HomePage

QORMOOYINKII U DANBEEYAY

Birimaggeydada Iyo Dhaqanka Soomaalida

Waayadii hore ereyga Birimaggeydo waxaa loo isticmaali jiray dhirta aan loo quurin in godin ama masaar gunta looga jaro, iyadoo lagu tixgalinayo dhirtaas anfaca miraha iyo harac hooskooda ee ay u leeyihiin dadka iyo duunyadaba. Waxaa kale oo dhirta qaarkood in birta lagala maago kallifi jiray iyadoo la ilaallinayo in ay dabar go’aan, maadaama dhirta […]

Wax Ka Ogoow Taariikhda Feylasuuf Ibnu Rushdi

Magaalada Qurduba ee carriga Andalus (Spain-ta maanta) ayaa nasiib u heshay in uu ku dhasho mid kamid ah caqliyadii ugu sareeyay ee caalamka soo mara; halyeey kasta iyo wakhtigiis, dabshidkii 1126-kii, qoys u badan culimmo iyo reer boqortooyo ayaa mar qura u dabbaal degay dhalashada wiilkooda, qof kale ma ahee waa Ibnu Rushdi (Averroes). Abuu […]

Waa Kuma Feylasuuf Alfaarabi?

Qofba iyo waayihiisa, wakhtiga iyo fursaddiisa; dabshidkii 874-miilaaddiga, magaalada Faraab, ee hadda dhacda jiinka wabiga Seexoon, ee mara dalka Uzbekistan, waxaa ku dhashay wiil dunida ay xilligiisa u baahneyd, cabqarri ku suubbanaa waayihiisa iyo wadaad meel kaga soo jeestay dumiga culimma isku sheeggii waagaas shiicada u badnaa, kuwaas oo af duub iyo ashuun ku addimid […]

Sifooyinka Aan La wada Ogeyn Ee Nebi Muxammad CSW !!!!

In badan oo Muslim ka kamid ah ayaa u dabaal dagaya maalinta dhalashada Nebiga CSW, taas oo culimmada jamhuurtooda ay isku waafaqsan yihiin in ay tahay 12-ka bisha Rabbiicul Awal. Dhowr iyo toban qarni ayaa kasoo wareegatay markii uu dunida kusoo biiray nabigii Alle, wiilkii madiga ahaa, agoonkii odawaaga ahaa iyo rasuulkii lagu soo abyay […]

Dooddii Feylasuuf Roger Garaudy Iyo Meel Ka Dhicii Qowmiyadda Yahuudda!!!

“Illaahay baa mahad leh i baray islaamka ka hor inta aanan baran Muslimiinta ” Roger Garaudy (17 July 1913 – 13 June 2012),waana mid kamid ah hadalladii ugu wanaagsanaa ee laga qabto. Sannadkii 1996-kii ayuu qoray Garuady qoraalkiisii caanka baxay ee “Les Mythes fondateurs de la politique israelienne” ama ” Khuraafaadka siyaasadda Israa’iil” kaas oo […]

Baalkii Madoobaa Ee Nolosha Oprah Winfrey (Qormo Xiiso Badan)

Waxa ay ahayd gabar madoow, xoog badan, caqliguna qanjaha joogo, waxa ay kasoo jeedday qoys dhaqan ahaan Soomaalida la mid ah, kala tagidda badan awgeed; nasiib uma helin in ay aabbaheeda iyo hooyadeeda wakhti fiican la qaadato sida aniga (Cabdi) oo kale. Dhowr jeer oo nolosheeda caruurnimada ayaa loo diga rogay meelo kala duwan oo […]

Taariikh Nololeedkii Faaduma Qaasim Hilowle !!

7-dii October sannadkii 1949-kii ayeey ku dhalatay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir; Fanka ayeey kusoo biirtay iyadoo caruur ah, waxaana dhallay waddani wayn AUN oo kamid ahaa horseedkii ururkii SYL, waana Qaasim Hilowle oo lagu naaneysi jiray Qaasim “Iskiifo”. Aqalkaas fanka iyo waddaniyadda leh ayeey ku dhex barbaartay Faaduma Qaasim, ilaa ugu dambeyntii ay noqotay […]

Tasawufka iyo Deegaanka

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale aiawaleh@gmail.com Hordhac Laba arrin ayaa go’aamiyay ama igu dhiirri geliyay in xiise ii galo hoos-u-dhugashada iyo wax-ka-ogaanshaha tasawufka.  Mid waxa uu ahaa buugga magaciisa la yidhaahdo The Forty Rules of Love oo ay qortay qoraaga u dhalatay dalka Turkiga ee Elli Shafak ka igu dhaliyay in aan raadraac ku sameeyo Tasawufka.  […]

Isbarbardhigga shirkadda Apple iyo awoodda Carabta (Tarjumaad)

Waxa aan ka mid ahaa dadkii la socday xafladsannadeedkii shirkadda ‘Apple‘ ee ay ku soo bandhigeysay wax-soo-saarkeeda cusub. Laga yaabee in dhacdada ugu muhiimsan ay ahayd soo-saarista aaladdaha Talefoonnada cusub iyo wax-soo-saarka kale. Arrinta kale ee ay shirkaddu sannadkan ku faanayso ayaa ah furitaanka xarunteeda cusub ee ‘Apple Park’ oo ku kacday lacag dhan 5 […]
(Visited 301 times, 3 visits today)