Birimaggeydada Iyo Dhaqanka Soomaalida

Waayadii hore ereyga Birimaggeydo waxaa loo isticmaali jiray dhirta aan loo quurin in godin ama masaar gunta looga jaro, iyadoo lagu tixgalinayo dhirtaas anfaca miraha iyo harac hooskooda ee ay u leeyihiin dadka iyo duunyadaba. Waxaa kale oo dhirta qaarkood in birta lagala maago kallifi jiray iyadoo la ilaallinayo in ay dabar go’aan, maadaama dhirta qaarkeed laga sameeyo daawo wax tar u leh caafimaadka nafleyda.

Waxaa kale oo looga xishoon jiray in dhegta dhiigga loo daro (la gowraco) xoolaha ay kamid yihiin awrka gurgurka ah ee ay reerku ku guuro, neefka rimman, iyo kan irmaan, haddanay jirin baahi Bakeyle qaleen ah oo ku kallifeysa.

Waayadii dambe ereyga Birimaggeydo waa uu ka ballaartay sidii oo wuxuu yeeshay micno ka duwan kii hore, wuxuuna noqday in xilliyada colaadda aloosan tahay, in xeer Soomaali laga dhigay inaan la dilin, lana waxyeeleyn dadka jilicsan da’ ahaan iyo caafimaad ahaan, lagu daray dadka la xishmeeyo; sidaa darteeda waxaa xeer ahayd in la tixgeliyo dumarka, carruurta, dadka laga tirada badan yahay, dadka war-ma-qabtada ah ee aan dagaalka ku jirin, hoggaamiye dhaqameedyada, culimmada iyo wixii soo raaca darajo ahaan.

Gabyaa reer Hargeysa oo la oran jiray Dallayad ayaa gabay ku cabbiray ereyga Birimaggeydo, wuxuuna yiri:

Cirkanoo gobshoobiyoo            ****     Dhulkoo goos laga waayay

Godintiyo hangoollada markii  *****       Guunyo lagu doojo

Dhirtaba geed malko ah baa jiriyo ***    Lama garaacaane

Birimaggeyduu dadku leeyihiyo    ****      Lama guhaadshaane

Gardarriyo ninkaan lagu ogeyn     ****        Gacan fudeyd toonna

Ee gaba tukubihiisa waa  lagu        ****            Gargaaraaye

Gudo baas mid laga keenayoo         ***              Garac mooyaane

Ma gil gilo duqeytida ninkii       *******               Aw kasoo go’aye

Xeerarka hore ee Soomaalidu hiddaha iyo dhaqanka ay u lahaan jirtay wallow uusan qorneyn, haddana wuxuu ahaa mid dusha laga xifdisan yahay, iyadoo ay waajib ahayd in beel kastaa dhankeeda ka ixtiraamto xeerka guunka ah ee ab laga soo gaarka ahaa, waxaa ugu mudnaa xeerka Soomaalida u dejisay nabadda iyo laba- daraalle xeerkii la xiriirray xaq dhowrka kooxaha birimaggeyda ah xilliyada colaadda, kuwaas oo ay reebneyd in la dilo, ama lagu xad gudbo sharaftooda, waxaana sabab u ahayd middaas saddexdaan arrin:-

  1. Dilka culimmada waxaa looga cabsan jiray eebbe

  2. Dilka gobta (Ugaasyada) waxaa looga cabsan jiray cuqubo

  3. Dilka maatadana waxaa looga cabsan jiray ceeb.

Kooxaha birimaggeydadu waxa ay ka kooban yihiin:-

  • Hoggaamiye dhaqameed

  • Culimmo

  • Maato

  • Ergo

  • Caruur

  • Magan

  • Socoto

  • Xidid

  • Wiilka Madiga Ah

F.G:- wiilka madiga ah, dhaqanka guud ee la iska hidde raacay wuxuu dhigayaa in durba loo guuriyo marka uu qaangaaro, sida qaalika ahna colka tolkiis laguma daro marka ay duullayaan; sida xeer Soomaaliga ahna, wiilka madiga ah lama dilo haddii dagaal lagu qabto, oo wuxuu ku jiraa kooxda birimaggeydada ah, sababta sidaas loo xeerriyay waxaa ay tahay in aan la dabar goyn abtirkiisa tagoogga.

Oday kasta oo Soomaaliyeed wuxuu jecel yahay guurka haween badan, si geeridiisa ka dib magaciisa ifka ugu waaro, taasna waxa ay ku dhici kartaa in uu ifka kaga tago wiilal badan; murti baa waxa ay leedahay:-

Goblin in uu dhib leeyahay ninkii gabarna waayaa og

Walaal in uu macaan yahay ninkii madiyahaa og!!!!

Geeraarka hoose soo socda wuxuu ka tarjumayaa sharraxaad guudna uu ka bixinayaa kooxda 7-da Birimaggeydo ee ka reebban in la dilo ama sharaftidooda meel looga dhaco.

Dumarkiyo caruurtiyo ***** Lama dilo birimaggeydada

Ninka deeqda kuu sida ee **** Ku dadaalaa lama dilo

Deriskaaga kula yaal iyo *** lama dilo magantaada

Daaw mareynka iyo dunji **** Xidid lama dilo

Culimmaa’uddiinkiyo *** lama dilo salaaddiinta

Dalxiis kuu yimaadiyo **** Martidaada lama dilo

Suxufiga wardoonkiyo *** Dhakhaatiirta lama dilo

Diktoorrada aqoontiyo **** abwaaniinta lama dilo

Intaas dilkoodu reebban yahay ka sokoow, abaanduullaha col dagaal geliya ayaa kula dardaarma raggiisa in aysan dilin nin laba magac leh, sida Sheekh hebel, Ugaas hebel, dhakhtar hebel,gabyaa hebel iyo wixii lamidka ah. ‘’ Ileyn nimaan xishooneyn dagaal xeeli kama hayso”

Af Soomaaliga oo ah luuqad hodan ah, ereyga birimaggeydo gobollada dalka waxaa looga yaqaannaa magacyo kala duwan, balse micnaha iyo nuxurka waa isku mid; waxaa kamid ah ereyada loo isticmaalo:-

  • Todobada Lama Taabtaan

  • Xushmadleyda xumaha ka reebban

  • Todobada talaxtagga ka caaggan

Tix-Raac Buugga Sooyaalka Soomaaliya ee uu qoray AUN Cabdiqaadir Aroma bogga 130-32.

(Visited 430 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *