Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed” (1933 – 2016)

Mar haddaanad geerida horteed geesiga aqoonsan Goblan weeye Soomaaliyeey garashadaadiiye.”

Eebbe ha u naxariistii abwaan Cali Sugulle “Duncarbeed” oo maanta ku geeriyooday waddanka Imaaraatka Carabta, waxa uu ahaa abwaan, hal-abuur, riwaayad sameeya iyo suugaan-dhaadhi aad loogu xasuusan doono halgankii xorriyad doonka, curinta iyo casriyeynta riwaayadaha, u tirinta nuucyada kala duwan ee maansada jaad gooni ah iyo waliba u hiilintii qorista iyo horumarinta afka hooyo.
Abwaan Cali Sugulle, waxa uu ku dhashay magaalada Oodweyne ee gobolka Togdheer, sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo seddex iyo soddonkii (1933), waxa uuna ku barbaaray meelo kala geddisan oo ah ka mid ah gobollada waqooyi ee Soomaaliya ( Soomaalilaan). Waxa uu wax ku bartay dugsiyada Berbera iyo Sheekh.
Abwaan Duncarbeed oo ahaa shumac iftiimiyay fanka Soomaaliyeed, waxa uu qayb weyn ka qaatay bilowgii fanka cusub ee Soomaaliyeed ee ka hirgalay magaalada Hargeysa, iyo magaalooyinka kale ee gobollada waqooyi; waxa uu ka mid noqday kooxaha fanka ugu waaweynaa oo ay ka mid yihiin: Almadar, Sooba iyo walaalaha Hargeysa.
Abwaan Duncarbeed oo hal-abuuurka maansada ka hiddo raacay Aabbihiis Sugulle Duncarbeed tan iyo caruurnimadiisii waxa uu xiisayn jiray suugaanta taas oo u suurto galisay inuu heer fiican ka gaaro. Heestiisii ugu horraysay ee hano qaadday (ayaa ila genbiya gumaysiga) waxa uu sameeyey 1956kii.
Laga soo bilaabo taariikhdaas waxa uu tiriyay gabayo, geeraarro iyo jiifto. Sidoo kale waxa uu allifay riwaayado badan oo caan noqday oo ay ka mid yihiin: Himilladeena (1960), Tusaalo (1962), Indhasarcaad (1963), Ma Huraan Afkii Hooyo weeyoo (1964), Dhagax iyo Dadab lays kuma dhufto (1966), Sheeg iyo shareero (1969) iyo kuwa kale oo fara badan.
Abwaanku wuxuu caan ku ahaa, aadna isugu taxallujiyay, qaddiyadda ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan himilooyinkeeda. Suugaan kasta oo uu sameeyayna waxa uu ku abbaari jiray arrimaha ummadda ka wada dhaxeeya ee saamaynaya misna wada taabanaya xag dhaqaale iyo xag dhaqanba; taasna xaddigeeda waxaad ka garan gartaa haddaad akhrido riwaayadda “Indhasarcaad” (Halkan ka dagso).
Waxyaalaha waaweyn ee ay daarneyd suugaantiisa ee lagu xasuusto waxaa ka mid ah: muujintii baahidii loo qabay qoritaanka iyo kor u qaadidda Afka hooyo.
Suugaantiisu badi waxa ahayd murti miiran oo durba maanku qaban karo kuwaasoo si fudud halhays lagu wada halqabsado u noqon jiray, bal dhowrkaan murti ila dhugo:
  • Af qalaad aqoontu miyaa?
  • Nin lagu seexdow ha seexan
  • Dab iyo dhagax, lays kuma dhuftee, ka la dhowraay
  • Diric kala ahaantii
  • Daleel guusha kama helo
  • Dadkaa geesi lagu yahay
  • Adduunyo hal baan lahaa
  • O’ hashii horor baa la tegay
  • Haaneedkaa loo hayaa
  • O’ hadhuub madhan baan sitaa
  • Waa baa beryay, bilicsan, arooryo baxsan, maalin boqran!
  • Waa loo tartamayaa, maxaad taqaan
  • Waa saabuuntii xumbadeedu
  • Saacaddu ay ku gudhaysay
  • Sida Soodhaha weeye oo
  • Wax kast,oon ku samaynno
  • Saaka way yara qaylin
  • Saadanbaa la xusuusan
  • Saakuubna waa la illaabi.
  • Ma hadhin hadal lays yidhaahdaa

Eebbe ha u naxariisto

Tixraac
  • Somali Literature , B.W. Andrzejewski.
  • Indhasarcaad (riwaayad), Cali Sugulle.
(Visited 34 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *