Sheekooyin8 Videos

SOOYAAL:- Maxaa Dhex Maray Madaxwaynihii Hore Ee Soomaaliya MSBarre Iyo Dhiggiisii Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny? (Q:-2)

Go’aankii Qaramada Midoobe kaddib, Faransiiska oo macangag ahaa, wuu ku sii adkeystay magacii uu bedelay! Hase ahaatee, 1974, waxa ay Midowgii Afrika (OAU) ku shireen Muqdisho, Caasimadda Soomaaliya, waxaa gudoomiye loo doortay Maxamed Siyaad Barre maadama dalka lagu martigaliyo shirka la siiyo madaxtinimada. Hoggaanka ay Soomaaliya heshay waxa ay uga faa’ideysatay in ay uga mira […]

Fan iyo Fikirad (Qeybta 2-aad)

Jean-Baptiste Colbert, waxa uu ahaa siyaasi Faransiis ah. Waxa uu noqday Wasiirka Maaliyadda ee Faransiiska laga soo billaabo 1665 ilaa 1683 xilligii Boqor Louis. Waxa uu ka mid ahaa fekeraaga Dugsiga dhaqaalaha ee Mercantilism-ka. Colbert waxa uu ka shaqeeyay sidii loo abuuri lahaa dheelitirnaanta ganacsiga iyo dib-u-habaynta suuqa. Waxa uu ka shaqeeyay horumarinta dhaqaalaha gudaha […]

Dooddii Feylasuuf Roger Garaudy Iyo Meel Ka Dhicii Qowmiyadda Yahuudda!!!

“Illaahay baa mahad leh i baray islaamka ka hor inta aanan baran Muslimiinta ” Roger Garaudy (17 July 1913 – 13 June 2012),waana mid kamid ah hadalladii ugu wanaagsanaa ee laga qabto. Sannadkii 1996-kii ayuu qoray Garuady qoraalkiisii caanka baxay ee “Les Mythes fondateurs de la politique israelienne” ama ” Khuraafaadka siyaasadda Israa’iil” kaas oo […]

7 cashir oo laga baran karo bangi la dhacay!

Waxaa jirta dhacdo caan baxday oo ka dhacday magaalada Guangzhou[1] taas oo la xariirta shufto dhacday bangi ku yaal magaaladaas, dhacdadaas ayaa waxaa  si qurux badan u qoray nin Shiineys  ah, waxaana sheekadaas lagu turjumay luqado badan, waxa aan maanta jecleystay bal in aan idinla wadaago sheekadaas oo laga kororsan karo 7 cashir oo nolosheyna […]

Muna Keyf (W/Q Axmed Daahir Cumar)

Runtii waa qof cajiib ah, maalinba maalinta ka dambeysa waxaan u qaadaa dareen iyo jacayl hor leh. Ka ma walwalo arrin ay gacanta ku hayso, waayo waxaan dareemaa in ay tahay masuul kan ugu wayn, kalsoonida ugu wayn waxay i gashaa markaan arko dhaldhalaalka labadeenna carruur iyo habka ay u daryeesho. Waa qof uu Alle […]

Qormadii Royal (Maxamed Axmed Cali Royal)

Wuxuu ku dhashay magaalada Madurai, ee ka tirsan gobolka la yiraahdo Tamil Nadu, ee ay dagaan Hindida madow ee la yiraahdo Tamil. Waxaa dhalay qoys dhaqaale ahaan meel dhexaad ah, Aaabihiis wuxuu u shaqeyn jiray warshad koronto, oo kutaal magaalada Jenaay, ee caasimadda gobolka Tamil Nadu. Carruurnimdiisii telefishan kartoon kama daawan, safarna baabur raaxo kuma […]

Geeda-Beerihii Dabiiciga Ahaa (Sakariye Cabdixaliim)

Baaskiil [Rikshaw] kaxeeye  degan degmada Faridpur,  waa tusaale dhiirigalin leh ah, maxaa yeelay waxa uu maalin kasta beeraa  hal geed afartan iyo sideedii sano ee  la soo dhaafay. Rikshaw waa baaskiil sida Bajaajta oo kale dadku  ay u raacaan. Waa Cabdul Samad Sheekh oo ah lixdan jir degan degmada Faridpur ee ka tirsan caasimadda wadanka […]