Xulalka5 Videos

Taariikh Nololeedkii Faaduma Qaasim Hilowle !!

7-dii October sannadkii 1949-kii ayeey ku dhalatay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir; Fanka ayeey kusoo biirtay iyadoo caruur ah, waxaana dhallay waddani wayn AUN oo kamid ahaa horseedkii ururkii SYL, waana Qaasim Hilowle oo lagu naaneysi jiray Qaasim “Iskiifo”. Aqalkaas fanka iyo waddaniyadda leh ayeey ku dhex barbaartay Faaduma Qaasim, ilaa ugu dambeyntii ay noqotay […]

Isbarbardhigga shirkadda Apple iyo awoodda Carabta (Tarjumaad)

Waxa aan ka mid ahaa dadkii la socday xafladsannadeedkii shirkadda ‘Apple‘ ee ay ku soo bandhigeysay wax-soo-saarkeeda cusub. Laga yaabee in dhacdada ugu muhiimsan ay ahayd soo-saarista aaladdaha Talefoonnada cusub iyo wax-soo-saarka kale. Arrinta kale ee ay shirkaddu sannadkan ku faanayso ayaa ah furitaanka xarunteeda cusub ee ‘Apple Park’ oo ku kacday lacag dhan 5 […]

Maxaad Kala Socotaa 10-Wargeys Ee Loogu Akhriska Badan Yahay Adduunka?

Bulshooyin badan oo caalamka ayaa ku hormaray akhrinta iyo joogteenta Jariirradaha ama wargeysyada dhulkooda kasoo baxa, ama kuwa caalamiga ah ee dalalka iskugu goosha. Wargeysyada la akhriyo waxaa ay iskugu jiraan kuwa maalin-layaal, todobaadlayaal ah, kuwa billayaal ah iyo kuwa kale oo sannad kasta mar soo baxa, dhammaantooda waxa ay soo gudbiyaan macluumaad iyo xogo […]

Roonaan Lahaydaa Riyadaydu Inay Rumowdo!

Waan u han weynaa in uu ku guuleysto jagada madaxtinnimada Soomaaliya. Iyada oo uu tartanku meel culus marayo ayaan ka seexday habeenkaas. Ilaahay mahaddiis, subaxii waxa aan ku soo toosay isaga oo madaxweyne ah. Asxaabteydii wey ii wada hambalyeeyeen. Waxayna igu wada dhaheen: “Ninkan waxaad ku taageertay wax yar maaha e, waannu kula arkaynaa.” Aniga […]

Macallin Guush iyo dardaarankiisii u danbeeyay

Qofka aan ka hadlaayo waa buunnigii jeclaa afka iyo suugaanta Soomaaliyeed: Borofasoor Bogumil Witalis Andrzejewski (Anjeyafiski), loona yiqiinnay “Macallin Guush,” oo ahaa caalimkii dunida tusay, jecleysiiyayna, suugaanta Soomaaliyeed, misna ahaa aqoonyahan intii ugu badneyd noloshiisa u hibeeyay cilmi baarista afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Wuxuu ka diyaarshey qoraallo aad u badan illaa uu noqday xarun loogu […]