Fan iyo Fikir (Qalinkii Warsame Shiidley) {1}

Thomas Robert Malthus, waxa uu ahaa dhaqaaleyahankii ugu horreeyay ee soo jeediya aragtida nidaamsan ee Bulshada (a systematic theory of population). Waxa uu ku soo bandhigay aragtidiisan ku saabsan dadweynaha buugiisa caanka ah ee “Essay on Principle of Population” (1798).

Malthus, waxa uu daabacay buuggiisii mar kale 1803, daabacaaddan labaad waxa uu beddelay qaar ka mid ah fikradihii daabacaadda kowaad, laakiin asal ahaan dhiganihii ma uusan wada beddelin. Aragtida Malthus waxa ay soo jeedinaysaa mabda’a ah in korarka dadweynuhu uu sii siyaadayo (labalaab) halka wax-soo-saarka cuntadana uu u kobcayo xaddiga xisaabinta caadiga ah.

Si kastaba, halka cunto-soo-saarka ay u badantahay in ay kororto taxane ah shan iyo labaatan sannadood oo isdaba-joog ah horumarka xisaabinta 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, 9, iyo wixii la mid ah, dadku waxa ay awoodeen in ay kordhaan horumarka habka xisaabinta jiyoomitirik (geometric) 1, 2, 4, 8, 16, 32, 64, 128, 256.

Tilmaame-barahan koboca cunnada “arithmetic” ayaa kor u qaadaya mustaqbalka in aanay bini’aadamku ku filnnaan doonin kheyraadka dunida. Si looga fogaado cilladahan oo kale, Malthus waxa uu boorriyay in la xakameeyo kobaca dadweynaha. Aragtida Thomas, marka aan soo koobnno waxa ay isugu soo biyo shubaneysaa in la xakameeyo korarka bulshada. Isha keliya ee laga xakamayn karaana waxa ay noqoneysaa in dhalmada la yareeyo oo sida haddaba waddamada qaar ka jirta dowladdu ay dejiso siyaasad qeexaysa arrinkan. Dhanka kale, waxa uu ku baaqay in dhalmadan aan la iska wadin iyada oo aan qorshe loo samayn bini’aadamka adduunka imaanaya.

Aragtida Thomas, waxaa maantay dib ii xusuusiyay Hees uu sameeyay Macallin Siciid Saalax Axmed oo aragtidan iyadana xoojineysa. Heesku, waxa uu sawirayaa qoys, sabool ah oo saddex carruur ah haysta oo saddexdaasi korriinkoodii ku dhibban oo mid kalana jidka ku soo jiro. Kii jidka ku soo jiray ee in uu dhasho la sugayay ayaa farriin ka soo diraya caloosha Hooyada. Waxa uu walwal ka muujinayaa sida uu ugu dhalan karo reer saddexdii hore noloshoodii la rafaadsan. Kolkaas ayaa uu leeyahay:
Hooyaa sidkeed go’ay,
Sagaalkeedi buuxsamay,
Xuskii loo sameyn jiray,
Sadqadii la qalay iyo,
Sitaatkiyo durbaankii,
Kuma imaan sanqarihii,
Sabigii ma uu dhalan,
Subaxii danbeetuu,
Soo diray farriin dheer!
Dadka joogay sabadaa,
Malaha waan ka soocnaa,
Waxaan maqlay sawaxankii,
Sawdkiisa ilmihii,
Anaa huba sax iyo maan,
Sadarada tilmaantii,
Su’aalaha oraahdoo,
Saddex heer u kala dhigay;
Sabigii aan weli dhalan,
Wuxuu yiri sokeeyoow,
“Qoyskaa I sababoow,
Maxaad ii sasabeysaan?
Baahidaan soo sido,
Qorshe ma u samayseen”?
Sebigii ayaa weyddiin aanu qoys Soomaaliyeed waligiibsa is weyddiin ku hor jaraya. Ma aammusayee waxa uu sii raacsanayaa;
“Sad kalaba bal daayoo,
Gurigiinnan salabkiyo,
Kala dhimman sariiraha,
Xaggeebaan ka seexdaa?

Iyadoon soddon jirin,
Hooyada sirqowdee,
Sanand qura mid iga weyn,
Sinta bidix ku haysaa,
Dhabtu saddex ma qaaddee,
Bal halkay I saartaa?

Aabbaha safafkii hore,
Walwalkoodu saaqee,
Saxan dhimman wadaajiya,
Miyaan saa’id ku noqdaa?
Heeska oo dheer awgii haddii aan intaa uga soo laabto, labada aragtiyood ee Thoumas iyo Siciid Saalax ma mooddaa in ay arrin ka wada hadllayaan?

Waxaa Qoray Warsame Shiidley

(Visited 40 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *