Fan iyo Fikirad (Qeybta 2-aad)

Jean-Baptiste Colbert, waxa uu ahaa siyaasi Faransiis ah. Waxa uu noqday Wasiirka Maaliyadda ee Faransiiska laga soo billaabo 1665 ilaa 1683 xilligii Boqor Louis. Waxa uu ka mid ahaa fekeraaga Dugsiga dhaqaalaha ee Mercantilism-ka. Colbert waxa uu ka shaqeeyay sidii loo abuuri lahaa dheelitirnaanta ganacsiga iyo dib-u-habaynta suuqa.

Waxa uu ka shaqeeyay horumarinta dhaqaalaha gudaha isaga oo kor u qaadaya Canshuuraha, dhiirigelinayana Mashaariicda shaqooyinka waaweyn ee bulshada, iyo in la hubiyo in shirkadda Faransiiska ay Hindiya ka hesho suuqyada dibadda, si ay had iyo jeer u helaan qaxwaha, suufka, dhogorta, basbaaska iyo sonkorta .

Intaa waxaa dheer, Colbert wuxuu aasaasay dekedda ganacsiga Faransiiska. Waxa uu la dagaallamay Musuqmaasuqa oo soo saaray in ka badan 150 qof oo loo qoondeeyay si loo xakameeyo laaluushka. Waxa uu abuuray habka loo yaqaan “seigneurial system”. Habkan waa hab beera qodosho oo la adeegsanayo lo’da.

Waa habka ay maantay Soomaalidu isticmaasho ee falka dibida. Waxa uu aamminsanaa habkan in uu yahay habka keliya ee lagu hormarin karayay guud ahaan wax soo saarka dalka gaar ahaana dhaqaalaha reer Miyiga (rural economy). Si guud marka aan u eegnno Colbert waxa uu aamminsanaa in ay dadku shaqaystaan.

Waxa uu oran jiray, “Askariga furinta dagaalka innooga dhintay, waxa uu weli baaqi ku sii ahaan doonaa tirada dadweyneheenna; halka Wadaadda Kaniisadda ku jiraahi aan u diiwaan gelineynno in ay dhinteen”! kolka aan hadalkan micneynno waxa uu noqonayaa Askarigu waxa uu dhintay isaga oo hayo shaqo Qaranku leeyahay se, Wadaadkan kaniisadda ku jiraahi Colbert waxa uu aamminsanaa in aanu hayn shaqo Qaranka Faransa dan u ah. Tani waxa ay muujineysaa halka Colbert ka taagnnaa shaqada iyo mashaqaystanimada.

Waa halka ay Khadiija Dalays uga heestay;
“Mootada la raaciyo,
Taksi lagu mirqaamaa,
Miliqmiliqda suuqyadu,
Macno yeelan maysee”
Afartan bayd waxa ay soo koobi karayaan aragtiyaha iyo dedaallada Siyaasi, Dhaqaale-yahan Colbert. Inta uu kor iyo hoosba ugu sheegayay reer Faransa waxa ay ahayd in ay shaqaystaan oo dhiggood gaaraan. Geesta kale, dhaqaale-yahankii aan soo qaadannay toddobaadkii hore, Thomas waxa uu kaga duwan yahay waxa uu dhiiri-gelin jiray in ay dadku tarmaan. Waxa uu soo saaray sharci oranaya [sida reeruhu u kala ubad yaryihiin ayaa ay u kala Canshuur badnnaanayaan] oo reerka toban cunug u shaqo tegaan iyo reerka laba keliya ay u shaqeeyaan isku qiime kama noqonayaan Qaranka Faransa ee waagan lagu naanaysi karayay “Qaranka shaqada”. Dadka dhalliila odagan ceebaha ay u xambaariyaan ayaa ah; shaqaalaysiinta carruurta. Waxaa waajib ahayd ilmuhu marka uu lix sano gaaro uu u shaqo tego Warshadaha. Eeddana waxaa ka jawaabaysa Fannaanadeenna Khadiija Dalaysa oo waxa ay leedahay;
“ Hadduu maanku ladan yahay,
Dadku malo ma yeesheen” Labadaa beydnna waxa ay ku doodeyaan haddii aanay dadku dhibtoon in aanay waxba noqoneyn oo aanay fakarayn.

FG: Waxa aan ka xumahay in aan aqoon waayay Abwaankii erayada heesta lahaa.

Waxaa qoray Warsame Shiidley

(Visited 19 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *