Geeda-Beerihii Dabiiciga Ahaa (Sakariye Cabdixaliim)

Baaskiil [Rikshaw] kaxeeye  degan degmada Faridpur,  waa tusaale dhiirigalin leh ah, maxaa yeelay waxa uu maalin kasta beeraa  hal geed afartan iyo sideedii sano ee  la soo dhaafay. Rikshaw waa baaskiil sida Bajaajta oo kale dadku  ay u raacaan.
Waa Cabdul Samad Sheekh oo ah lixdan jir degan degmada Faridpur ee ka tirsan caasimadda wadanka Bangladesh ee Dhakka. Cabdul Samad waxa uu maalin kasta beeraa hal geed, sidaasna waxa uu sameynayey afartan iyo sideedii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu deganyahay xaafadda Vagondara ee degmada Faridpur. Waxa uu maalinkasta shaqaystaa  100 takka oo u dhiganta $1.23.
Hurda la’aantu waa habaar keena sababo tiro badan oo kala duwan. Laakiin Cabdisamad Sheekh oo ah lixdan jir  Rikshaw dadka ku kaxeeya, wuxuu la dhibtooda nasiino la’aan [soo jeed] habeenkii ah. Sababta waa wax iska cad; ma uusan beerin maalinkaas  geed. Afartan iyo sideedii sano ee u dambeysay ninka loo yaqaano ‘ Tree Samad’ wuxuu beerayey ugu yaraan maalinkii hal geed.
“habeenka oo idil maba hurdi karo, haddii aanan geed beerin [maalinkii], waxaan sidaas sameynayey laga soo bilaabo markaan ahaa laba iyo toban jir” ayuu yiri Cabdisamad. Caadiyan sannadku waa 365 maalmood. 48 sano  oo uu dhiganta 17,520 [toban iyo toddobo kun iyo shan boqol iyo labaatan] maalmood. Ugu yaraan taasi waa sida geedo badan Cabdulkalaam u kobciyey.

“ badanaa waxa aan ku beeraa dhulka dawladda [Public spaces], sidaas daraadeed qofna ma jari karo” ayuu yiri Cabdisamad.
Hubaashii xerooyinka masaajidyada iyo xafiisyada dawladda ee ku yaala xaafadaha; Faridpur sadar, Charbhadrason iyo Sadorpur ayaa ku beeran geedaha uu ku talaalay Cabdisamad.
Wuxuu kaloo yiri Samad “waan waraabiyaa geedaha. Haddii aan arko, qof jaraya geed,  waan ku qayliyaa. Anigu  waan jeclahay noolaha Ilaahay, sidoo kale xayawaanada waan jeclahay laakiin si gaara waxaan u jeclahay dhirta”.
Samad iyo qoyskiisa waxa ay ku  noolyihiin laba mundul oo uu leeyahay guddoomiye ku xigeenka degmada Faridpur. Dhul uu leeyahay ma jiro Samad. Wuxuu maalinkii ka helaa rishshaw-diisa uu dadka ku kaxeeyo 100 takka [$ 1.23], kaas oo uu ku soo iibsado quutka maalinkaas ee reerkiisa ay u baahanyihiin iyo ugu yaraan hal geed.

Hammigiisa uu u qabo geedaha waa mid aad u weyn, halka laga yaabo qaar ka mida qaraabadiisa in ay u soo jeediyaan, dhirta maalinkasta uu soo iibinayo inay culeys ku  noqdeen quudkii maalinlaha ee reerkiisa, sidaas darteed waxa ay kula taliyaan in uu iska joojiyo.
“dakhligiisa maaha wax sidaas usii buuran, waxaana laga doonayaa in uu daboolo baahida maalinlaha ee qoyskeena, mararka qaar waxaan isku dayaa inaan ka joojiyo balse ima dhagaysto. Jacaylka uu Cabdulsamad u qabo dhirta ayaa ah wax aan la joojin karin” ayay tiri xaaskiisa Jorna Begum oo 50 jir ah.

Wiilkiisa Md kutub Uddin oo 30 jir ah ayaa wuxuu yiri “ Aabbe ma helo taageradii uu u baahnaa, waligay Aabbo kuma dhihin jooji dhirtan aad beereyso, bulshada hawl wanaagsan ayuu u hayaa”.
Sofik Mullah oo ah 30 jir ay deris yihiin, waa marqaati indhihiisa ku arka Samad hawsha uu hayo, asaga oo ka hadlaya hawsha uu hayo Cabdul Samad waxa uu yiri, “maalinkasta ayaan ku arkaa asagoo dhir ku beeraya, meelo kala duwan oo xaafadeena ah”.

“ Samad waa muwaadin tusaale u ah bulshadeena” ayuu yiri qof kale oo  xaafadda dagan, waa Md Abul Kalaam  oo 55 jir ah, wuxuu kaloo hadalkiisa ku daray “ inaan arko arko shaqadiisa wanaagsan, xaqiiqdii way i dhiiri galisaa”.

“ma aha kaliya hawsha uu bulshada u hayo dhir beeridda” ayuu yiri MD Sakandar Ali oo ah 60 jir ay deris yihiin. Waxa uu hadalkiisa ku daray “Samad waa nin dadka aad u caawiya. Qofkii caawin waydiista, waxa uu ula dadaala intii karaankiisa ah, asagoon wax abaal gud dambe ka dooneyn. Taasi waa shaqsiyadiisa dhif iyo naadirka ah, ee ay yartahay qof leh, waana wax bulshada aad muhiim ugu ah”
“waxaa jira geedo tira badan oo xaafadeena ku yaalo, kuwaas oo Samad uu beeray muddo fog” ayaa yiri Firaj Sheikh oo ah, dukaanle xaafada Vagondanga Bazar dukaan ku iibiya oo 45 jir ah. Hadalkiisa asaga oo sii wata waxa uu yiri, “caruurnimadaydii illaa iyo hadda waxaan arkayey Samad oo geedo beeraya”.
Samad waxa uu dhirta ku beeraa xaafado kala duwan oo magaalada ah, kama daalo kamana caajiso in uu aroos kasta oo soo baxda geed ku beero dhulkan aynu ku socono.
Dabiiciyan, Samad waa laga yaqaan xarunta dhirta lagu iibiyo ee Faridbur [ Faridpur Horticulture Center]. Mid ka mida shaqaalaha xaruntan dhirta lagu iibiyo, ayaa waxa uu yiri, “halkan waxaan ka shaqeynayey labaatan sano, sidaas oo ay tahay subax kasta ninkan wuu imanayey si uu geed u iibsado”.
Agaasimaha xarunta Kartik Chakraborty ayaa yiri “Samad markasta waxa uu naga qaadaa geedo. Shaqaalaha oo idil waxaan u sheegay, in ay Samad caawiyaan marka uu yimaado”.

“waan jeclahay badanaa inaan beero geedo mireedyada, waan beerayaa geedaha,  maxaa yeelay Ilaahay ayaa na amraya inaan geedaha beerno” ayuu Cabdul Samad Sheekh waraysigiisa ku soo gebagabeeyay.

W/T: Sakariye Cabdixaliim Maxamed.

(Visited 17 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *