Isbarbardhigga shirkadda Apple iyo awoodda Carabta (Tarjumaad)

Waxa aan ka mid ahaa dadkii la socday xafladsannadeedkii shirkadda ‘Apple‘ ee ay ku soo bandhigeysay wax-soo-saarkeeda cusub. Laga yaabee in dhacdada ugu muhiimsan ay ahayd soo-saarista aaladdaha Talefoonnada cusub iyo wax-soo-saarka kale. Arrinta kale ee ay shirkaddu sannadkan ku faanayso ayaa ah furitaanka xarunteeda cusub ee ‘Apple Park’ oo ku kacday lacag dhan 5 Bilyan oo Doollar, iyo samaynta saqafka xarunta shirkadda ee Dubai, kaas oo culayskiisu gaarayo 80 Tan. Mid ka mida hoolalka waawayn ee ay xaruntan leedahay waxaa loogu magac-daray aas-aasihii shirkadda ee dhintay Steve Jobs, waana markii u horreysay oo ay Apple xaflad ku samaysato xarunteeda cusub oo ay joogaan 1000 booqadayaal ah.

 

Haddii dadka ku xiran shirkaddu ay la dheygagsan yihiin ogaanshaha waxa ku cusub dunida isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda, shirkaddu waxa ay ixitraam siinaysaa shaqaalaheeda iyo dadka dhaq-dhaqaaqeeda la socda. Mar kasta oo ay qabanayso xaflad sannadle ah, waxa ay muujinaysaa in ay ku astaysan tahay mid ka mida shirkadaha ugu waaweyn ee ugu saamaynta badan dunida.

 

Ka ma hadlayo xafladdii dhacday. Ka ma hadlayo bandhiggii ashqaraarka lahaa. Xitaa ka ma hadlayo wax-soo-saarka shirkadda, iyo mugga maalgelinteeda oo qiimaheeda suuqa uu ka badan yahay 700 Bilyan oo Doollar. Waxa aan ka hadlayaa shirkad gugeedu uusan ka badnayn  40 sano, sida ay muddadaas kooban ugu xaqiijisay guula is-dabajoog ah, heshiisyo iyo shuraakooyin ay la gashay shirkado iyo dowlado badan. Ma aha shirkad ay dowlad leedahay oo helaysa kaalmooyin iyo fududeyn badan. Waa uun shirkad la mid ah shirkadaha kale, oo ay suurtagal ahayd in ay burburto sannado yar uun ka dib markii la aas-aasay; waa markii ay is-khilaafeen aas-aasayaasheeda Steve Jobs iyo shuraaka-wadaaggiisii Steve Wozniak iyo Ronald Wayne, ka hor inta aysan isu rogin shirkad deymo-xadidan (Limited), oo saamilihii labaad Steve Wozniak isaga bixin shirkadda, markii uu saamigiisii gaarayay 800 doollar ka iibiyay Jobs.

 

Waxa aan oranayaa, waxaa suurtagal ahayd in ay Apple burburto isla billowgii aas-aaskeeda, markii la joogay xilliga qaybinta saamiyada iyo faa’iidada. Balse, shirkaddan waxa ay degsatay yool keli ah, kaas oo ahaa in ay kor u socoto iyada oo adeegsanaysa jaranjarooyinka (sallaanka) sharafta. Si kasta oo ay guulaha shirkaddu u barbar-socdeen liicid iyo legdan ay shirkado kale kala kulmaysayna, dhammaan loollanadaas ay ku jirtay waxa ay u adeegayeen danaha macaamiisheeda, ha ahaato in ay ku dadaasho qurxinta adeeggeeda, ama hoos-u-dhigto sicirka. In la abuuro baratan sharaf lehna, waxa uu horseedayaa wax-soo-saar tayo leh.

 

Haddii ay Apple maanta guranayso miraha guusheeda, waxa ay –sidoo kale- sooyaalka ka soo baratay duruus xannuun badan, gaar ahaan tan quseysa qaddiyaddii caan-baxday ee ka qabsatay shirkadda tartanka xooggan iyada kula jirta ee SAMSUNG, oo marar badan ay maxkamado isla koreen; marar ay Apple guuldarreysatay, marar kalena ay iyadu guuleysatay. Waxaa laga yaabaa in ay tusaale noqon karto dhacdo qalqalgelisay shirkadda, taas oo ku saabsanayd nin weerar argagaxiso ka geystay San Bernardino (California) oo ay hay’adda dembi-baarista ee FBI ka heshay Talefoon Iphone ah, kaas oo ay adkaatay in la furo, si looga helo xog fududeyn karta dabagalka dembiilaha. Talefoonnada Iphone-ka ee shirkadda Apple ayaa ah kuwa aanan la isku dayi karin in la furto, haddii lambar-sireed khaldan 10 jeer la isku dayana, waa uu xirmayaa, oo xogtii ku jirtayna waa ay tirtirmaysaa.

 

Aan u soo noqonno shirkaddan caadeysatay in ay sannad kasta dhigato xaflad weyn, oo macamiisheeda iyo dadka ku taxanna ay noqdeen kuwa aanan ku koobnayn keliya dhallinyarada, se hadda lagu tilmaami karo in ay yihiin dhammaan dadka waxgalka ah ee bulshooyinka ka dhex muuqda. Guusha ay ku faanayso, oo ka dhalatay ahaanshaheeda shirkad weyn oo xoog leh, isla markaana ixitraamta shaqaalaheeda, ayaa waxa ay lagama-maarmaan ka dhigtay in ay sannad kasta soo bandhigto wax-soo-saar cusub, taas oo iyada lafteeda ka dhigan hurgumooyin shirkadda horyaalla oo dusha ka saaraya mas’uuliyad weyn, una jiidaya baratan adag oo ay waqtiga la gelayso.

 

Dadku waxa ay si xooggan u gu soo jeedaan wax-soo-saarkeeda, iyaduse waxa ay ku jeeddaa, oo ay ku faanaysaa, shaqaalaheeda oo hadda tiradoodu ay gaarayso in ka badan 60 kun oo qof. Waa mid ka mida goobaha ay dhallinyaradu naawilayaan in ay ka shaqeeyaan, marka la eego daryeelka, iyo hubnaanta shaqada, iyo deegaanka ku xeeran ee dhiirrigelinaya wax-soo-saarkaba. Shirkaddu waxa ay u aragtaa shaqaalaheeda in ay yihiin shuraako-istaraatiijiyadeed wax-tar leh, waxaana ay siisaa daryeel dhammeystiran, oo ka dhigan sabab kale oo guusha shirkadda sii joogteynaysa.

 

Ila eega waxa ka jira dalalkeenna Carabta, gaar ahaan Gacanka (Khaliijka). Waxaa suurtagal ahayd in uu Gacanka Carabtu wax weyn ku soo kordhiyo dhinaca warshadaha iyo shirkadaha waaweyn, uuna hormuud ka noqdo dhanka shaqooyinka. Waxa aan haysannaa xaddi weyn oo shirkado ah, badankoodana waxaa taakuleeya dowladaha, oo siiya lacag, dhulal, iyo amaah kaleba. Sidaas oo ay tahayna, waxaa la-yaab leh in ay weli ku sii sugan yihiin xaalad niyadjab iyo guuldarro badan leh.

 

Waxa aan canaan dul-dhigayaa dowladaha Gacanka Carabta, maxaa yeelay waxa ay leeyihiin hanti ballaaran. Lacagta ka soo xaroota naftada, haddii lagu maalgelin lahaa dhinacyo kala duwan, oo la hagaajin lahaa deegaanka shaqada, waxa ay maanta ahaan lahaayeen kuwa ku naaloonaya awood warshadeed iyo mid beecmushtarba. Hase ahaatee, dowladaha Gacanka waxaa ceeb ugu filan eexda, afgobaadsiga, iyo dullaalaynta, oo kaalin muhiima ka cayaara ku-danaysiga fursadaha, si ujeedka ugu weyn uu u noqdo tanaadnimada shakhsiyaadka, se uusan u noqon samaynta aqoon, iyo kobcinta dhaqaalaha.

 

Dunida Carabtu waxa ay ku foogan tahay arrimaha kuwa ugu liita. Xitaa dowladahoodu waxa ay isku howlleen mashaariic waaweyn, oo aan suurtagelin karin dhisidda saldhig warshadeed, mana aysan ka shaqayn sidii dhallinyarada loogu dhiirrigelin lahaa barnaamijyo xirfadeed, ama sida loo dhiirrigelin lahaa dadka hibada iyo hal-abuurka leh.

 

Dunideennan Carbeed, waxaa si dhaqsa ah ugu kobcay kooxeysiga, isriix-riixa diimaha, iyo nacaybka. Waxaa kale oo ku dhex koray eexda, is-garbinta, iyo dabaqadaha shakhsiyaadka ah ee dusha ka saaran madaxda. Shirkado badan ayaa ka jira dalalka Carabta, haddana ma helayno mid aan tusaale u soo qaadan karno, si aan ugu dhererino shirkadda Apple. Shirkaddan waxa ay ku guuleysatay in ay si sannadle ah u soo bandhigto wax-soo-saar cusub, waxaana ay yeelatay sharaf ay ku faanayso, oo gaarsiisay in ay noqoto mid ka mida shirkadaha ugu waaweyn uguna saamaynta badan dunida. Lacagta ay soo xarayso sannadkii waxa ay gaaraysaa 216 Bilyan oo Doollar, dakhliga howlgelinta ee ay adeegsatana waxa uu gaarayaa 60 Bilyan oo Doollar, halka faa’iidadeeda ay gaarayso 46 Bilyan oo Doollar, Raasumaalka ay heysatana waa uu sii kordhayaa, oo hadda waxaa lagu khiyaasayaa 322 Bilyan oo Doollar.

 

Dalalka Carabta, haddii ay rabaan in ay dhaqaale ahaan xoogeystaan, waxaa laga doonayaa in ay dhallinyaradooda ku taageeraan hal-abuurka, iyaga oo aan wax xayiraad ah ku samaynayn. Sidoo kalena, waa ins ay taageeraan hibooyinka iyo shirkadaha yaryar ee u xamaasadaysan in ay wax-soo-saar yeeshaan, ama shirkadaha heerka dhexe ku jira ee ku fekeraya in ay sare u koraan sallaanka sharafka iyo guusha. Ugu dambeynna, waa in ay shirkadaha waaweyn u fidiyaan kaalmo iyo wax kasta oo ay hore ugu sii socon karaan.

 

 

W/Q: Jamaal Bannuun [Af Carabi]

W/T: Maxamed Cabdullaahi Abubakar (Dhaaley) [Af Soomaali]

 

(Visited 54 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *