Macallin Guush iyo dardaarankiisii u danbeeyay

Qofka aan ka hadlaayo waa buunnigii jeclaa afka iyo suugaanta Soomaaliyeed: Borofasoor Bogumil Witalis Andrzejewski (Anjeyafiski), loona yiqiinnay “Macallin Guush,” oo ahaa caalimkii dunida tusay, jecleysiiyayna, suugaanta Soomaaliyeed, misna ahaa aqoonyahan intii ugu badneyd noloshiisa u hibeeyay cilmi baarista afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Wuxuu ka diyaarshey qoraallo aad u badan illaa uu noqday xarun loogu soo hirto aqoonta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
B. W. Andrzejewski wuxuu sannaddii 1922-kii ku dhashay waddanka Boolaand [Poland], wuxuu se is kaga soo tagay asigoo 18-jir ah, oo dhiganaya dugsi sare, kadib markuu Jarmalku halkaa qabsaday. Socdaal dheer oo uu wadammo badan ku soo maray, ugu danbeyn wuxuu gaaray dalka Falastiin oo Ingiriisku xukumayay, wuxuuna ku biiray Ciidammada Boolaand ee Xorta ah (Polish Free Forces). Intii uu ciidammadaa ku jiray wuxuu ka helay waayo aragnimo badan, wuxuuna tagay wadammo ka mida waqooyiga Afrika, halkaas oo uu ka bartay afka Ingiriiska, Carabiga iyo dhaqanka Islaamka.

B. W. Andrzejewski wuxuu sannaddii 1944-kii ka helay dowladda Ingiriiska deeq waxbarasho oo uu jaamacadda Oxford kaga bartay kasmada afka iyo suugaanta Ingiriiska, asigoo sanaddii 1946-dii halkaas ku guursaday Sheila oo u dhalatay Ingiriiska. Waxay in badan ka saacidday barashada Ingiriisiga si qoto dheer, ka dibna wuxuu sannaddii 1948-dii ku biiray jaamacadda London (SOAS). Wuxuuna markii danbe xafiiska Ingiriiska ee maxmiyadaha ke halay deeq waxbarasho oo is kugu jirta tababar iyo cilmi baaris qoto dheer, oo lagu sameeynayo qaababka dhismaha af-Soomaaliga, kaas oo soconaya 3 sannadood, ujeeddadiisuna tahay u gogol xaaridda qorista af-Soomaaliga.

Si uu cilmi baaristaa u sameeyo ayuu markiisii ugu horreysay yimid Soomaaliya sannaddii 1950-kii iyadoo ay wehlineyso xaaskiisa Sheila, waxayna fariisin ka dhigteen magaalada Sheekh. Nasiib wanaag, waxay halkaa isku barteen hal-abuurkii iyo suugaanyahankii weynaa, Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal. Waxaana halkaa ka bilaabmay saaxiibtinnimada Macallin Guush iyo Abwaan Muuse Galaal. Waxay iska kaashadeen cilmi baaris markii danbe noqotay il-aqooneed saldhig u ah ummadda Soomaaliyeed, waxayna ka wada shaqeeyeen Jaamacadda London. Wuxuu Abwaan Muuse Galaal markaa ahaa marjac wax laga warsado afka iyo suugaanta Soomaaliyeed, marna ardey cilmi-afeedka barta.

Macalin Guush iyo Abwaan Muuse Galaal intii ay wada shaqeynayeen cilmi baaristoodu kuma aysan ekeyn qaababka dhismaha af-Soomaaliga, balse waxay afka Ingriiska u tarjumeen suugaan badan oo Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay af-Soomaali ku qoreen murti iyo sheekooyin Soomaaliyeed ayagoo adeegsanaya farta Laatiinka, waxayna daabaceen maqaallo iyo buuggaag uu ka mid yahay, Hikmad Soomaali. Sanaddii 1952-dii waxay Macallin Guush iyo Abwaan Muuse Galaal gudbiyeen warbixin cilmiyeysan oo muujineysa in far Laatiinka lagu qoro af-Soomaaliga. Lagama se dhaqan gelin gayiga Soomaaliyeed, waayo waxaa looga hortagay bannaanbaxyo hal ku dhig looga dhigay “Laatiin Laa diin,” oo micnaheedu yahay Laatiinku waa diin la’aan. Far Laatiinka ay soo bandhigeen waxay aad ugu dhaweyd farta Laatiinka aynu hadda isticmaalno, taas oo ay xukuumaddii Kacaanku dhaqan galisay sannadkii 1972.

Macalin Guush markuu dhammeeyay cilmi baaristaas ka dib wuxuu kaloo cilmi baaris ku sameeyay afka Oromada oo ay aad iskugu dhawyihiin afka Soomaaliga, kana wada mid yihiin afafka Kushitiga Bari. Wixii intaa ka danbeeyay wuxuu waqti badan, oo daraasadeyn ah, geliyay labada luuqadood iyo barashadooda. Sannadkii 1966-kii wuxuu xubin ka ahaa guddi ay hey’adda UNESCO u soo dirtay Soomaaliya, si ay talo uga bixiyaan suurto gelinta qorista af-Soomaaliga—guddigaas oo ugu danbeyn soo saaray qoraal baal dahab ah ka galay taariikhda qorista af-Soomaaliga.

Markii lagu dhawaaqay qoristii af-Soomaaliga sannadkii 1972-kii, waxaa godlatay maskaxda dadkii Soomaaliyeed ee in muddo ah gaaggaxsaneyd, waxaana la qoray buuggaag badan oo taabanaya qaybaha kala duwan ee nolosha. Waxaa xusid mudan in Macallin Guush uu noqday qofkii ugu horreeyay ee isku xilqaamay turjumidda buug ku qoran af-Soomaali ee baahiya, waxuuna turjamay buuggii, Aqoondarro waa u Nacab Jacayl (Ignorance is the Enemy of the Love) ee uu qoray, Allaha u naxariistee, Faarax Maxamed Jaamac (Cawl). Wuxuu ahaa buuggii ugu horreeyay ee sheeko riwaayad ah ee af-Soomaali lagu qoro.

Wuxuu kaloo Macallin Guush nasiib u yeeshay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee isku howla inuu turjumo ruwaayad Soomaaliyeed ka dibna faafiya. Wuxuuna turjumay oo uu koobkaas ku qaaday riwaayaddii caan baxday ee Shabeel Naagood (Leopard Among the Women) ee uu hal-abuuray, Eebbe ha u naxariistee, Xasan Sheekh Muumin. Waxaa kaloo iyana jirta qayb kale oo ka mida suugaanta Soomaaliyeed oo uu tarjumay, oo ay ka mid yihiin gabayo aad u xiiso badan. Malaheygana ujeeddada guud ee uu Macallin Guush ka lahaa tarjumaaddaa waxay aheyd in uu dunida tuso in ay jirto ummad la yiraahdo Soomaali, oo degta geeska Bari ee qaaradda Afrika, kuwaas oo leh dhaqan fac-weyn iyo suugaan hodan ah.

Markii laga soo tago baaristiisa suugaanta Soomaaliyeed iyo qoraallada uu ka sameeyay, si la mida wuxuu daraasad badan ka sameeyay naxwaha af-Soomaaliga, taasoo wali aysan jirin cid daraasaddaas oo kale ku sameysay. Siduu sheegayo Borofasoor Cabdalla Cumar Mansuur, “Prof. Andrzejewski wuxuu muddo 40 sano baarayay af-Soomaaliga. Illaa hadda ma muuqato qof sidiisa oo kale u baaray amaba ugu xeeldheer naxwaha af-Soomaaliga.” (2012).

Dadaalkaa dheer ee uu Macallin Guush ku bixiyay afka iyo suugaanta Soomaaliyeed wuxuu ku helay magac weyn, dadka Soomaaliyeed dhexdooda. Waxay taasi keentay inuu sannaddii 1988 noqdo aqoonyahankii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee la guddoonsiiyo abaalmarinta Xiddigta Soomaaliyeed (Somali Star Award). Abaalmarintiisa oo ay dowladdii Soomaaliyeed ee xilligaa jirtay ku guddoonsiisay magaalada Muqdisho.

Macallin Guush markay soo dhawaatay geeridiisu, ma uusan dayicin keydkii uu u hayay ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan dunida. “Intii aanu geeriyoon, waxa uu isku dubbariday wax alla wixii uu kayd hayey ee ku saabsanaa af Soomaaliga waxaanu ugu deeqay hoyga kaydka buugaagta ee Jaamacadda Indiyaana (Indiana University Library)” (C. C. Faarax, 2006). Macallin Guush illaa markii ey naftu deynaysay wuxuu ka walwalayay inay dadka Soomaaliyeed iska dayacaan afkaan dahabka ah iyo suugaantaan hodanka ah, ee Eebbe ku galladeystay. Walwalkaas haayay waxaa laga dareemayay dardaaran gaaban, ase dareen abuur ah, oo uu uga tagay ummadda Soomaaliyeed, kaas oo ahaa dardaaran gunaanad u ahaa halgankii iyo dadaalkii uu galiyay baaridda, ururinta iyo baahinta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waa dardaaran cid walba oo Soomaaliyeed oo akhrisa dareensiinaya muhiimadda iyo hodantinnimada afkeenna hooyo; waa dardaaran kugu abuuraya hilow iyo yididiillo ba’an inaad u qaaddo afkaaga iyo suugaantiisa; waa dardaaran ka sugaya hirgalin qof kasta oo Soomaaliyeed oo leh damiir nool; waa dardaaran gunaanadkiisu yahay: “Waxaad tihiin ummad weyn, waxanaad tihiin dad hibo leh, taasaan idinku hubaa.”
Maalmo yar ka hor geeridiisa ayuu dardaarankaa u soo faray qoraa sare, Maxamed Daahir Afrax. “Shaki la’aan dardaarankani wuxuu ahaa dhibicdii u dambeysey ee Macallin Guush isku dhibay in uu ka soo tuujiyo maskaxdiisii, [ee] gabagabaysey godolkii laga maalayey dhawr iyo toddobaatanka sano. Illaa saacadahaas uu nolosha sagootinayey sakaraadkii geeriduna gilgilayey ayuu ka walwelayey Soomaali iyo suugaanteeda. Walwelkaas wuxuu ii muujiyey maalinta uu berri oo kale dhiman doono, oo aan ugu tagey isbitaalka Hamel Hamstead, ahaana Soomaaligii ugu dambeeyey ee uu arko. Sheila oo ahayd qofka keliya ee maalintaas fahmi karayey erayada Guush afkiisa sida dhibka leh uga soo baxayay ayuu ka codsday in ay ii dhiibto dardaarankaas oo uu hore ugu yeeriyey; anigana wuxuu igu adkeeyey in aan ku dadaalo sidii ay farriintiisaasi ku gaari lahayd ummadda Soomaaliyeed. Asagoon hadalkii dhammayn ayay tabartii uu khasbayey ka dhammaatay, erayadiina dhuuntiisa ku xirmeen. Ma xasuusto dhawaanahaan daqiiqad iiga xanuun badnayd” (M. D. Afrax, 1994).

Haddaba waa kan dardaarankii Macallin Guush ee iga gudoon adoo maanka ku haya akhriskiisa uun inuusan waxtar laheyn haddaan ka dhabeyni la socon: “Soomaaliyeey, rag iyo haween, waayeel iyo dhallinyaraba, waxaan idiin soo jeediyey dardaaran gaaban oo ku saabsan suugaanta iyo afka Soomaaliyeed. Waxaan hubaa suugaanta iyo afku in ay yihiin asaaska weyn ee dhaqankiina, waxaana loo baahan yahay in aad uga dadaashaan dhinac walba, hadday tahay suugaanta guud, hadday tahay maanso, hadday tahay sheekooyin, kuwa runta ah iyo kuwa la hinidisaba, hadday tahay masrax, hadday tahay naqdi ama faaqidaad. Waxaad tihiin ummad weyn, waxanaad tihiin dad hibo leh, taasaan idinku hubaa” (1994).

W/Q: Saki Cali Gurey
Dhanjac: zakigurey@gmail.com

Tixraac

The Traveller to Legendary Lands, Wareysi ay wardheernews la yeelatay Shiela Andrzejewski, 2009.

M D Afrax, Nabad galyo Macallin Guush, Wargeyska Hal-abuur,Tirsiga 4-aad, 1995.

C. Faarax, “Barwaaqo,” Mahadhadii Borof. Guush Andarawiski oo kooban, 2006

I. M. Lewis, Obituary, Wargeyska Hal-abuur,Tirsiga 4-aad, 1995

(Visited 43 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *