Maxaa iiga baxay dood cilmiyeedkii xalay iyo madashii Ifiye?

“Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diiday, maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya?.” [1]

 

Xalay oo magaalada Muqdisho lagu qabtay madal ay dhalinyaradu u kala herin misna ilyartu is qabatay , oo ay soo qabanqaabisay xarunta Ifiye ayaa dulucda ugu weyn ee daarnayd aheyd dood cilmiyeed lagu falanqeeyay “DOORKA DHALINYARADA EE DIB U DHISKA DALKA IYO DADKA” , dooddaan oo ay is kugu yimaadeen dhalinyaro aqoon iyo hal-abuur xambaarsan, ayaa waxaa martida koowaad ee doodda lagu casuumay misna si caaqibo leh kaga qeyb qaatay ay kala ahaayeen:

  1. Cabdi Barud oo ah agaasimaha ururka qurba-joogta Soomaaliyeed ee caalamka (GSD).
  2. Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley) oo ah hal-abuur dalka gudihiisa wax ku bartay .
  3. Maxamed Irbad oo ka mid ah dhalinyarada hal-abuurka leh ee dalka ku soo kordhiyay gacanacsiyo wax ku ool ah.
  4. Aadan Matan oo ah gudoomiyaha ururka la dagaalanka qabyaalada (ATM).

Dooddaa oo uu si habsami leh u daadihinayay jaalle Maxamed Axmed Cali Royal ayaa inta ay soctay waxaa afkaaraha laysku dhaafsanayay jawi dagganaan ku dhisan, kaas oo la tixgalinayay kala duwanaashaha fikradaha lays dhaafsanayo, waxa ayna dooddu ku dhisnayd isu dhag-raaricin iyo is dhiiragelin, waxaana lagu soo bandhigay aragtiyo togan oo biseyl badani ka muuqda kuwaas oo dhiira galinaya doorka dhalinyarada ee ku aadan dib u dhiska dalka iyo dadka, waxaana si aan dheeh ku jirin loo qiray in dhismaha dalka ay ka horeeyso dhismaha dadka. kolkaas bay qalaw igu soo tiri hal ku dhigga Aw Cabdicasiis Guudcadde ee ah:

Dal la dhiso waxa ka horreeya dad dhisma, dad dhismana qof is dhisa!

Madasha inta ay soctay waxaa si qoto dheer loogu lafa guray caqabadaha dhalinyarada ka hortaagan in ay gacmaha is wada qabsadaan si ay kaga soo dhalaalaan doorkii aya ahayd in ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dadka.Waxaana laysla garawsaday in qabyaaladdu tahay kaankar dhalinyarada u diiday horusocodka iyo in ay la jaan qaadaan asaagooda, waxaana laysla qiray in qabyaaladdu tahay qurun in laga xoroobaahi ay lagama maarmaan tahay si dalka iyo dadka loo dhiso, waxaana halkaa laysla qiray in qabyaaladdu huwan tahay sifooyinkii uu Abwaan Abshir Bacadle (AUN) ku tilmaamay.

Waa sanam qabyaaladi haddaad, igu qancaysiine Waa qaaxo iyo kaankar iyo, aydhis qaab daran e Waa cudurka qaybaha bulshadu, qaran ku waayeene Waa qawqab iyo sixir qalbiga, qaaciyoo shidaye Waa qaabaqawsayn dagaal, qac iyo yaahuuye Qanjir boogi qodotoo qurmoo, qolof la’ weeyaane!

Dhanka kale afkaarihii laysla falanqeeyay waxaa ka mid ahaa in la joogo xilligii ay dhalinyaradu majaraha u qaban lahaayeen masiirka ummadooda, oo wax aan la qaadan Karinna ay tahay in odayaal waayahooda soo qaatay loo daba fadhiyo ka fikirka masiirka ummadan, meelna layskaga tuuro kala qoqobka barbaarta Soomaaliyeed ee dal iyo dibad ku sugan, waxaana madasha lagu garawsaday in la joogo xilligii la qaadana lahaa taladii uu dhalinyarada u jeediyay Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc (AUN) ee aan ka soo qaatay: Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye.

Abwaanku muxuu yiri “Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye”, sidaas sideedii dooddii xalay waxaa laysla qeexay in dalka lagu dhiso si iskaa wax u qabso ah misna laga qeyb qaato dhismaha goobaha danta guud sida waddooyinka, goobaha caafimaadka, waxbarashada iyo sidoo kale in door muhiim ah laga qaato ilaalinta bilicda dalka, iyada oo qof walba xil gooni ah iska saarayo ilaalinta nadaafadda guud, waxaana laysku baraarujiyay in dalka laga gudbiyo muuqaalo wanaag iyo samaan ka tarjumaya si adduun weynaha loo tuso in Soomaali nooli ay wali dunida guudkeeda joogto.

waxaa kaloo laysku dhiira galiyay ilaalinta waxa ummadda ka dhaxeeya oo uu ugu horeeyaan afka, hiddaha iyo dhaqanka bulsho weynta Soomaaliyeed arrinkaanaa bulshada lagu wacyi geliyo.

Ugu danbayntii doodda oo loo soo gunaanaday si qurux badan, ayaa lays tusay haddii la wada tashado oo loo howshoodo hirgalinta arrimahaa aan soo xusnay in laga dhabayn karo, oo murti Soomaaliyeed oo guun ah baa tiri “Rag tashaday cir tararay wey toli karaan taako labadeede” mid kale oo hidde ahna waxa ay ahayd “Wixii rag u kaco Rabbina aqbalo waa rumoobaan”, waxa ayna xarunta Ifiye balan qaadday in madasha nuucan ah joogto noqon doonto Eebbe idankii.

 

W/D: Saki Cali Gurey

[1]: Xaaji Aadan Axmed (Afqalooc).

 

(Visited 32 times, 1 visits today)