Roonaan Lahaydaa Riyadaydu Inay Rumowdo!

Waan u han weynaa in uu ku guuleysto jagada madaxtinnimada Soomaaliya. Iyada oo uu tartanku meel culus marayo ayaan ka seexday habeenkaas. Ilaahay mahaddiis, subaxii waxa aan ku soo toosay isaga oo madaxweyne ah. Asxaabteydii wey ii wada hambalyeeyeen. Waxayna igu wada dhaheen: “Ninkan waxaad ku taageertay wax yar maaha e, waannu kula arkaynaa.” Aniga oo wadnaha farta ku haya, indhahana ka bilig biligsiinaya, welwel aan ka qabo mustaqbalka iyo sida uu madaxweynahan aan taageersan ahay wax u qaban doono darteed, ayaan si hoose u idhi: “Bal waa tahay; idinkuna bal faataxada usoo mara.”

Horta qofkan aan taageerayey waa dhallinyaro. Xooggiisa iyo aqligiisuba bilow yihiin, una muuqda mid u diyaar ah wax qabad daacadnimo wata. Mooji wax niyadeyda ka dhaadhiciyay e, waxa aan aaminay uun in uu yahay kani kii is beddelka Soomaaliya u horseedi lahaa. Madaxweynahaa aan niyadda ka jeclaaday, anigu, waxa aan ula baxay: “SOOMAALIYADA CUSUB”.

Bishii u horreysaba madaxweynihii Soomaaliyada cusub waxa uu dadaal iyo orod u galay la qabsiga xafiiskiisa cusub iyo xaaladaha ku xeeran. Muddo dabadeed waxa uu garawsaday, in uu nimanka mucaaradka ku ah la hadlo, oo uu heshiis hoose la galo. Weliba heshiiskaas isaga iyo madaxda mucaaradka mooye, cid kale aanay ogaan, kol ay xoghaynnadiisaba tahay.

Habeen saqdhexe ah ayuu la hadlay nimanka mucaaradka ku ahaa, si uu uga dhegeysto tabashooyinkooda. Muddo saddex saacadood ku dhaw markii la wada hadlayey, ayuu Soomaaliyada Cusub waxa uu garowsaday nimankan waxa keliya ee ay diiddan yihiin in ay tahay, ciidamada shisheeye, ee dalka ku jira. Markii uu intaa gartay ayuu ku yiri: “Ma wax aan intaa ahayn baan isla diiddan nahay?” Markaas ayay yiraahdeen: “Maya ujeedkeenna koowaad waa taas. Wixii kale ee jirana marka intaa la sameeyaan ka wada hadlaynaa.” Waxa uu madaxweynuhu ka codsaday mucaaradka in ay muddo hal sanno ah oo waqtigaas ay wada hadleen ka billaabanaysa ay fursad u siiyaan, si uu u meel mariyo doonistooda. Waxana uu codsigiisa raaciyay in muddadaas sannadka ah ee uu ballan-qaadkooda ku fulinayo, iyagana aanay wax amniga carqaladayna ka samayn caasimadda iyo dalka intiisa kaleba. Dood iyo falanqayn ka dib, waa la isku raacay intaas. “Haye iyo howraarsan” ayaana lagu kala tegay.

Laba bilood ka dib, waxaa goor subax ah ay dadku soo tooseen iyada oo uu madaxweynihii Waddada Warshadaha lugeynayo. Yaab iyo amakaag ayay dadkii wada galeen! Hadda ogow, hal askari ahna lama socdo madaxweynaha, marka laga reebo wasiirkiisa arrimaha gudaha oo socodka lugta ah ku wehelinaya. Dadkii waxa ay ku soo wada xoomeen madaxweynaha si ay salaan ugu gacan qaadaan. Qaar dadka ka mid ah ayaa ilmaynayay, farxad darteed. Waxana ay is tusinayeen in uu dalku waddadii guusha cagta saaray, maadaama muddo dhowr iyo labaatan sanno ah ka dib, la arkayo madaxweyne Soomaaliyeed oo si welwel la’aan ah shacabka u dhex socda.

Raxleynta shacabka iyo rayn raynta ay ka qaadeen aragtida iyo gacan gelinta madaxweynaha dalka ee ay waddada kula kulmeen, waxa ay noqotay mid saamayn weyn ku yeelatay, shacabkii magaalada oo dhan. Muddo bil ah ayaa dhacdadaa taariikhiga ah la hadal hayay. Madaxweynaha Soomaaliyada Cusubuna waxa uu halkaa ka xaqiiqsaday in ay quluubtii shacabku xaggiisa u soo jeedsatay, oo uu hantay taageeradooda. Muddo bilooyin ah oo uu xafiiska ku sugan yahayna ilaa iyo iminka wax dhibaato ah kama dhicin dalka. Intii muddadaas lagu jiray, waxa uu madaxweynuhu suurtageliyay in waddooyin badan oo sannado burbur iyo cabsi amni darteed u xirnaa dib loo furo, oo dadka iyo gawaariduba adeegsadaan. Waxa uu sidoo kale howlgeliyay dugsiyo wax-barasho oo dhowr ah, halkaas oo carruurta agoonta ah iyo kuwa waddooyinka magaalada ku dayacnaa ay fursado waxbarasho oo bilaash ah ka heleen. Sidoo kale, ciidamada ayuu wax weyn u qabtay intii uu xafiiska joogay, isaga oo suurtageliyay in ay mushaharaad joogta ah qaataan, isla markaanna helaan tababbaro heer sare ah, oo ay aqoontooda ku kordhinayaan, si ay gacan bir ah ugu qabtaan ammaanka dalka. Dadkuna aad bay arrintaas ula dhacsan yihiin ugana sheekaynayaan.

Wax qabadkan curdinka ah ee uu madaxweynaha Soomaaliyada Cusub la yimid, waxaa laga dhaxlay in maalmo yar dabadeed waddooyinka magaalada lagu arko dadkii ajaanibka ahaa oo iska lugaynaya iyaga oo aan wax cabsi ah qabin. Waa ajaanibka oo sannado ka hor marka ay magaaladan imaanayaan soo kaxaysan jiray ilaalo tira badan, maadaama aanay kalsooni ku qabin nabadgelyada halkan ka jirta. Haddase waa kuwan shacabka magaalada ku nool la midka ah ee aan is ilaalinayn.

Laba bilood ayaa ka harsan muddo sannad ah oo uu madaxweynuhu xilka hayo. Go’aan degdeg ah ayuu madaxweynuhu markan qaatay, si uu dhacdooyin kale oo taariikhi ah uga suurtageliyo magaaladan. Waxa uu go’aansaday in shirka Afrika lagu qabto magaalada Muqdisho, isaga oo dammaanad qaaday habsami u socodka shirkaas iyo ilaalinta nabadgelyada wufuudda. Waxaa arrintaas soo dhaweeyay dhammaan madaxda Afrika oo oggolaaday in ay Muqdisho isugu yimaaddaan. Wuxuuna shirkoodii ka furmay xaafadda cusub ee sida quruxda badan loo dhisay ee Daara-Salaam oo duleedka magaalada ku taalla. Si wanaagsan ayuu shirkii u soo dhammaaday. Qodobbadii ka soo baxayna waxaa ka mid ahaa: in muddo shan iyo toban cisho ah ciidamada shisheeye dalka looga saaro, oo waddamadooda lagu celiyo, maadaama ay Soomaaliya nabad noqotay. Waxaana looga mahad naqay dowladaha ciidamadas soo diray, kaalintii ay ka qaateen soo celinta nabadgelyada hadda lagu naaloonayo, ee Soomaaliya ka jirta.

Maalmihii loo qabtay ayay ciidamadii dalka joogay ku ambabaxeen. Waxana nabadgelyada waddanka la wareegay ciidamadii Soomaaliya oo awooddoodu ay dhan kastaba ka xoogganaatay.

Muddadii sannadka ahayd ee ay madaxweynaha Soomaaliyada Cusub iyo mucaaradku ku heshiiyeen in ciidamada shisheeye la saaro waxaa ka hartay hal bil uun; laakiin madaxweynuhu waxa uu go’aansaday in uu la hadlo mucaaradka, una sheego in ay ciidamadooda ku soo wareejiyaan dowladda, maadaama codsigoodii la fuliyay. Gacmo furan iyo qalbiyo fayow oo farxsan ayay mucaaradku ku oggoladeen arrinta uu madaxweynuhu soojeediyay, oo ciidamadoodiina ugu soo biiriyeen xoogagga Soomaaliyeed ee u taaggan difaaca dalka iyo dadka.

Sidaas ayay Soomaaliya muddo hal sanno ah ugu soo ceshatay qarannimadeedii, iyo kaalinteedii geesinnimada lahayd ee ay ku dhex lahayd Qaaradda Afrika.

Waxa ay ahayd gabbal dhicii kow iyo labaatanka bisha Maarso, ee sannadkan 2016. Waxa aan ka soo rawaxay howlahaygii maalmeed ee aan magaalada ka hayay, Waxaan aqalka tegay aniga oo daalan. Markii la gaaray salaadda Maqrib ee aan anna tukaday, ayaan sariirta isku yara bixi is idhi, se lamafilaan ayaan u gam’ay. Goor ay saqdhexe tahay ayaan soo kacay, aniga oo hurda dhammaystay, maadaama aan waqti dheer jiifay.

Waxa aan soo galay barta Facebook-ga si aan bal waqti halkaa ugu qaato. Wixii ugu horreeyey ee aan arkayna waxa uu ahaa video laga soo duubay ilma yar oo lagu soo qabtay dagaalkii Buntilaan iyo Alshabaab dhex maray. Ilmaha yar midkood ayaa su’aalihii la weydiiyey waxaa ku jirtay: “Maxaa kugu kellifay in aad qori qaadatid?!” Waxa uu ku jawaabay: “Waxbarasho ayaan raadinayay; ka dib nimankan ayaa igu dhahay wax aan ku baraynaa, dabadeedna meeshan ayay i keeneen.”

Daqiiqaddii aan daawaday muuqaalka ilmahaas yar, isla markaanna aan dhegeystay hadalkiisa, waan ilmeeyay! Waxaana hubsaday in aan mucaaradka lagula dagaallami karin hub keliya, balse dagaalka ugu xooggan ee looga adkaan karo uu yahay, in waxbarasho la siiyo carruurtaas yar yar ee baahida ay waxbarashada u qabaan iyo aqoon yaridda haysa darteed loo soo marin habaabiyay, ee qoryaha deegta loogu soo suray, si ay u dagaal galaan oo wax u dilaan, ama iyaga loo dilo.

Markii aan hal saac oo kale soo jeeday ayaan seexday; waxa aanna ku riyooday riyadan aan xaga sare ku soo qoray. Si weyn ayaa aan u aaminsan ahay in ay riyadani rumoobi karto, haddii la helo hoggaamiye daacad ah.

Mahadsanidiin.

W/Q: Ayaan Maxamed Cali “Ayaan Hoodo”

(Visited 8 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *