Shiinaha Oo Albaabbada Iskugu Dhuftay In kabadan 13-kun Oo Website

Dowladda Shiinaha ayaa albaabbada iskugu dhuftay in kabadan 13kun oo Website, tan iyo bilowdii sannadkii 2015-kii, kuwaas oo dhammaan jebiyay xeerarkii u yaallay dowladda.

tan iyo markii uu awoodda la wareegay madaxwayne Xi Jinping, Shiinaha waxa ay gashay xaaladda cadaadis ah, gaar ahaan dhanka internet-ka, waxaana bilowday olole lagu kantoroollayo website yada dalkaas iyo waxa ay sheegaan, iyada oo aan lagu xad gudbeyn xurriyatul qowlka.

“in La sugo Ammaanka Internet-ka waxa ay dani ugu jirtaa cid kasta, nabadda iyo xasiloonnida, horumarka dhaqaalle, iyo danaha shakhsiyadeed, waana ay mudan tahay in aan ku dadaalno,” ayuu yiri mudane Xi Jinping.

Inkabadan 13,000- oo website iyo ku dhowaad 10-million oo akoon ayaa la xiray tan iyo 2015-kii, iyadoo lagu eedeeyay in ay liddi ku ahaayeen sharciga iyo kala dambeynta dalkaas.

Talaabadan ayaa ah mid aad u wanaagsan sida ay qabaan dad badan oo ku xeel dheer arrimaha internet-ka, ha yeeshee marka loo eedo dalkeenna waxaa jira shabakado warar kuwaas oo horiya colaado iyo xasilooni daro, taas oo caksi ku ah xurriyadda hadalka.

(Visited 13 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *