SOOYAAL:- Maxaa Dhex Maray Madaxwaynihii Hore Ee Soomaaliya MSBarre Iyo Dhiggiisii Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny? (Q:-2)

Go’aankii Qaramada Midoobe kaddib, Faransiiska oo macangag ahaa, wuu ku sii adkeystay magacii uu bedelay!

Hase ahaatee, 1974, waxa ay Midowgii Afrika (OAU) ku shireen Muqdisho, Caasimadda Soomaaliya, waxaa gudoomiye loo doortay Maxamed Siyaad Barre maadama dalka lagu martigaliyo shirka la siiyo madaxtinimada.

Hoggaanka ay Soomaaliya heshay waxa ay uga faa’ideysatay in ay uga mira dhalsiso himiladeedii ahayd xorreynta Jibuuti.

Maxamed Siyaad Barre (AUN) waxa uu socdaal ku kala bixiyey badi dalalkii Afrika si ay u taageeraan qadiyaddaas balse waxaa ugu saameyn batay Madaxweynihii Ivory Coast Houphouët-Boigny.

Maxamed Siyaad Barre markii uu kala hadlay qadiyadda Jibuuti Houphouët-Boigny, waxa uu ka helay jawaab aad cajiib u ahayd! Muxuu ku yiri?

“Ninyohow waxaa laga baqayaa in haddii Jibuuti la xorreeyo aad idinku qaadataan ee ii ballan qaad in ay sideeda ahaneyso anaa WIILKAN YAR AMAR SIINAYEE [Wiilka yare e uu sheegayo waa Madaxweynihii Faransiiska]!”.

Muxuu Houphouët-Boigny u yiri anaa amar siinaya Madaxweyanaha Faransiiska oo uu ku Tilmaamay CUNUG YAR!?

Markii dalalka la guumeysaneyey la siinayey xorriyadooda, Ingiriiska waxa u bilaabay in uu si toos ah u fasaxo kuwii uu isagu haystay balse Faransiiska siyaasad kale ayuu adeegsaday isaga oo ku wargaliyey dalalkii uu haystay in ay Faransiis yihiin oo ay Baarlamaanka xubno u soo dirsadaaan, tusaale, Jibuuti waxa ay u dirsatay laba xubnood, halalka dalakii waa weynaa sida Ivory Coast iyo Senegal ay min 10 xubnood heleen. Houphouët-Boigny waxa uu markaa ka noqday Wasiir saameyn weyn ku leh Faransiiska. Sidoo kale Ivory Coast waxa ay ka mid ahayd dalalka uu Faransiisku danaha ugu badan ka lahaa kuwa uu gumeysanayey, taas ayaa dhaxal siisay Houphouët-Boigny in uu awooddaas yeesho!

Maxamed Siyaad waxa uu Houphouët-Boigny xusuusiyey warbixin (Statement)  uu hadda kahor siidaayey Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (AUN) oo ku saabsaneyd in Soomaaliya dan ka lahayn Jibuuti , isaguna go’aankaas qabo.

Houphouët-Boigny, markiiba waxa uu wacay Madaxweynihii Farasiiska isaga oo u sheegay in uu Maxamed Siyaad la joogo, una xaqiijiyey in Jibuuti Soomaaliya ka mid noqon doonin waxa uuna ku yiri “Naga dammee dhibteeda!” oo uu ula jeeday Jibuuti!

Madaxweynihii Faransiiska ma jecleysan hadalkaas balse sidoo kale waxba kama diidi Karin Houphouët-Boigny waxa uuna shiriyey golihiisii Wasiiradda, halkaas oo lagu dhammeeyey sheekaddii xorreynta Jibuuti!

Faransiiska waxa uu doonayey in ay Jubuuti u dhibaan dadkii taabacsanaa iyaga sida Cali Caarif oo Djibouti ka ahaa Raisul Wasaare xilligaas, balse waxaa ku diiday Wasiirkiisii guumeysiga  oo sheegay in taasi reer Jibuuti iyo Soomaaliyaba aqbali doonin maadama la ogyahay in kuwaas ay iyaga u shaqeeyaan waxna ka bedeli doonin dhibtii Faransiiska lagu hayey! Sida carruurtii laga afduubi jiray iyo Safiirkoodii lagu qafaashay Muqdisho!

Ugu dambeyn waxa ay go’aansadeen in Soomaaliya laga codsado in ay ku xiraan Xassan  Guleed Abtidoon iyo  Ayuub kuwaas oo markii dambe lagu wareejiyey taladdii Jibuuti!

Waxaa xogtan iiga sheekeeyey Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ah barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya.

W/Q: Maxamed Kaafi

Email: Muhamedkaafi@Gmail.com

(Visited 158 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *