SOOYAAL:- Maxaa Dhex Maray Madaxwaynihii Hore Ee Soomaaliya MSBarre Iyo Dhiggiisii Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny? (Q:-1)

Sebtembar 2, 1945., waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday dagaalkii labaad ee aduunka. Gulufkaas oo ka mid ahaa dagaaladii ugu khasaaraha badnaa ee dunida soo mara, waxaa lagu jabiyey dalal xulufo ahaa (Axis) oo ay ka mid ahaayeen Germany iyo Italy, waxaa ka guuleystay wadamadii loo yaqaanay Alias-ka ee ay hormuudka ka ahaayeen Mareykanka, France iyo Ingiriiska.

In uu dhammaado dagaalkaas waxa uu FARAJ u ahaa dalalkii guumeysiga ku jiray xilligaas maadama shuruudihii uu dagaalka ku soo galay Mareykanka ay kow ka ahayd in Ingiriiska iyo Faransiiska xorriyadooda siiiyaan dalalka ay guumeysan jireen.

Heshiiskaas waxaa kala saxiixday Raisul Wasaarihii Ingiriiska ee xilligaas. William Churchill iyo Madaxweynihii Mareykanka Franklin Delano Roosevelt ee uu qeylo dhaanta u dirsaday si uu dagaalka u soo galo lana jabiyo Jarmalka oo qabsaday Yurub oo dhan.

Heshiiskii labada masuul waxaa ka dhashay axdigii loo yaqaanay Atlantic (Atlantic Charter),  oo qodobkii ugu muhiimsanaa ahaa in haddii Mareykanku dagaalka galayo marka la jabiyo Adolf Hitler iyo xulufadiisa la xoreeyo dalalka guumeysiga ku jira. Atlantic Charter waxa uu gogol xaar u noqday aas aaskii Qaramad Midoobe.

Dhulalkii Soomaaliya oo ay gacanta ku kala hayeen Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga oo jabay waxaa ka curtay dhaq dhaqaaqii gobonimo doonka oo ay ugu dambeyn heleen 1960-kii labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi kuwaas oo sameeyey Jamhuuriyaddii Soomaaliya (Somali Republic.).

Dowladihii rayidka ahaa ee bilowgii dalka hoggaanka u qabtay waxa ay ahmiyadda kowaad siiyeen sidii loo xorreyn lahaa gobollada maqan, sida Northern Frontier District (NFD) oo uu Ingiriiska gacanta ku hayey, Jibuuti oo uu Faransiiska joogay iyo Soomaali Galbeed oo ay Xabashidu haysatay.

Hase ahaatee, maadaama aysan jirin awood markaa saddexdaba lagu wada xoreeyo, waxa ay ahmiyadda kowaad siiyeen NFD., sababtuna waxa ay ahayd Kenya oo qaadashada xorriyadeedu soo dhawaatay, si looga gaaro ayey dowladdii goosatay in iyada xoogga la saaro.

Soomaali Galbeed iyaga dan lagama galin maadama Itoobiya in qori caaraddiis looga qaado ma ahane aysan si kale ku ogolaateen, iyada ajandeheeda dib ayaa xiligaas loo dhigay.

Hadaba, Jibuuti oo ay qormadeydan ku fooggan tahay ayaan ka hadli doonaa sidii ay xorriyadda ku heshay, dadaaladdii ay u galeen dowladihii rayidka ahaa, tii Militariga iyo sheekaddii dhexmartay Maxamed Siyaad Barre (AUN) iyo Madaxweynihii hore ee Ivory Coast Félix Houphouët-Boigny.

Dowladihii rayidka ahaa, middii Kacaanka iyo dadweynuhuba waxa ay ka middeysnaayeen in siyaasad loo maro xorreynta walaaha Jibuuti. Sababaha ugu waa weyn ayaa ahaa in aan la xumeyn xiriirkii lala lahaa Faransiiska oo dal weyn oo saameyn dunida ku leh ahaa iyo iyada oo laga baqay haddii dagaal lagu qaado in uu laayo dadka reer Jabuuti oo deegaankoodu aad u yaryahay.

Maxay sameeyeen dowladihii?

Soomaaliya waxa ay mar walba qadiyadda xoreynta Jibuuti geyn jirtay Qaramada midoobe oo uu ka furnaa gudi loo garan ogaa Gudiga Guumeysi ka saarka “Decolonization Committee”. Sidoo kale waxa ay ka ol’oleen jireen shirka guud ee Qaramada midoobe (UN General Assembly) kaas oo furma Talaadada labaad bisha Sebteember sanad walba.

Haseyeeshee, Dowladihii Soomaaliya waxa ay caqabad kala kulmi jireen Faransiiska, Itoobiyo oo ka baqeysay in haddii Jibuuti xorrowdo la midowdo Soomaaliya iyo dalalkii kale ee Afrikaanka ahaa oo la kala safnaa Xabashida iyo Faransiiska.

Iyada oo ay taasi jirto ayuu Madaxweynihii Faransiiska Charles André Joseph Marie de Gaulle  booqasho ku yimi 1966 dalka Jibuuti balse kacdoon aysan ka war qabin maamulkiisii gumeysiga ayey shacabkii kala hortageen taas oo uu ka carooday kuna bedelay dhammaantood.

De Gaulle  , markii uu arkay kacdoonka dadka ayuu go’aansaday in uu afti qaado oo uu ku sheegay in uu ku ogaanayo in dadka Jibuuti rabaan in uu Faransiiska sii joogo! –Hadde ma oran in ay xorriyad rabaan!

Aftidii la qaaday Faransiisku wuu ku shubtay, taas oo ka yaabisay Soomaalidii oo dhan, waayo, Canfarta oo qura ayaa raacsaneyd aragtida Faransiiska iyagana waxaa ka badan Ciisaha oo kaliya, iska daa Soomaalida kale!

Dhacdadaas kaddib, Faransiiska waxa uu bedelay magacii Jibuuti ee Soomaliga ahaa “French Somali Coast) waxa uu ka dhigay French Territory of the Afars and the Issas, taas waxa ay gubtay oo ka wada dhiidhiyey dalalkii Afrrikaanka ahaa oo markii hore Xabashida raacsanaa.

Soomaaliya waxa ay uga faa’ideysatay shir wasiiro Afrikaan ah uga socday Addis Aaba in xubno ka mida loo diro Jibuuti si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan xaaladda ka jirta.

Golihii Wasiirada ee tagay Jibuuti waxa ay soo arkeen Magaaladii Jibuuti oo silig lagu ooday! Iyaga oo xaaladaas ka niyad jabsan ayey soo noqdeen waxa ayna ku tilmaameen in waxa ay soo arkeen nolol ahayn balse meeshu tahay “Concentration Camp!”

Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobe geysay dacwaddii magaca Jabuuti ee uu Faransiisku bedelay, markan waxa ay haysataa taageerada dhammaan Afrikaabka marka laga reebo Xabashida oo marka dambe raaci doonta!

Xabashidu markii ay ogaadeen guuxa jira iyo in Afrikaankii oo dhan Soomaaliya ku qadiyad yihiin ayey go’aansadeen in ay u codeeyan!

Safiirkii u fadhiyey meesha ayaa u yimi Qaybe oo ahaa danjirihii Soomaaliya waxa uuna u sheegay in ay markan codkooda siin doonaan balse shuruud? Waxa uu Xabshigu ka codsaday Danjire Qeybe in magaca laga dhigo French Somali Coast (Djibouti)! Waa Djibouti halaga dambeeysiiyo magacii hore!

Taas dhib uma arag Danjire Qeybe maadama Jibuuti tahay magaca Caasimadda wuuna ka aqbalay! Qeybe waxa uu rabay in uu isku dhufto Faransiiska iyo Xabashida!

Intii aan codeynta la bilaabin, Qeybe iyo Danjirihii Xabashida waxa ay u wada tageen masuulkii codeynta qaadyey waxa ayna u wada shegeen wixii ay ku soo heshiiyeen.

Markii la soo wada xaadiray oo codeynta la qaadi rabo ayuu yiri masuulkii“Waxaan idiin hayaa war wanaagsan, Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku heshiiyeen in magacu noqdo French Soomaali Cost [Djibouti],  mar qura ayaa sacab lagu wada dhuftay oo saacad ku dhawaad socday! Waayo la yaab ayey noqotay Soomaaliya iyo Xabashida oo go’aan ku wada socda!

W/Q: Maxamed Kaafi

Email: Muhamedkaafi@Gmail.com

(Visited 70 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *