Gobdoonna ma Galbaday?

“Waa ayaanba ayaan Duni aakhir sabaan Ninna aanu lahaan Dhabna looga idlaan!” Waayadii u danbeeyay ummadda Soomaaliyeed, waxaa hareeyay tiiraanyo iyo murago ay mar kasta ku reebaysay , geerida sidii tusbax go’ay u galaafatay haldoorka ummadda, geeridaas oo si gaar u beegsanaysay rug-caddaagii halabuurka, fanka iyo suugaanta Soomaalida, iyada oo wali lagu jiro baroordiiqdii Allaha […]

Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed” (1933 – 2016)

Mar haddaanad geerida horteed geesiga aqoonsan Goblan weeye Soomaaliyeey garashadaadiiye.” Eebbe ha u naxariistii abwaan Cali Sugulle “Duncarbeed” oo maanta ku geeriyooday waddanka Imaaraatka Carabta, waxa uu ahaa abwaan, hal-abuur, riwaayad sameeya iyo suugaan-dhaadhi aad loogu xasuusan doono halgankii xorriyad doonka, curinta iyo casriyeynta riwaayadaha, u tirinta nuucyada kala duwan ee maansada jaad gooni ah […]

7 cashir oo laga baran karo bangi la dhacay!

Waxaa jirta dhacdo caan baxday oo ka dhacday magaalada Guangzhou[1] taas oo la xariirta shufto dhacday bangi ku yaal magaaladaas, dhacdadaas ayaa waxaa  si qurux badan u qoray nin Shiineys  ah, waxaana sheekadaas lagu turjumay luqado badan, waxa aan maanta jecleystay bal in aan idinla wadaago sheekadaas oo laga kororsan karo 7 cashir oo nolosheyna […]

Maxaa iiga baxay dood cilmiyeedkii xalay iyo madashii Ifiye?

“Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diiday, maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya?.” [1] Xalay oo magaalada Muqdisho lagu qabtay madal ay dhalinyaradu u kala herin misna ilyartu is qabatay , oo ay soo qabanqaabisay xarunta Ifiye ayaa dulucda ugu weyn ee daarnayd aheyd dood cilmiyeed lagu falanqeeyay “DOORKA DHALINYARADA EE DIB U DHISKA […]

Sannadguurada aas-aaska Maktabadda IFIYE: Guul iyo Geeddi hor leh

La-yaab ma leh in dhallinyaro ku dhalatay, oo ku kortay magaalo ay magacyada hubka iyo rasaastu yihiin waxa ugu badan ee ay carruurtu xafidsan yihiin, laga fisho in ay ka dib-dhacaan asaagood ku nool meelaha ay magacyada buugtu yihiin waxa ugu badan ee ay carruurtu xafidsan yihiin. Waxaase la-yaab ah in muddo sannad ah ay […]