Waa Kuma Feylasuuf Alfaarabi?

Qofba iyo waayihiisa, wakhtiga iyo fursaddiisa; dabshidkii 874-miilaaddiga, magaalada Faraab, ee hadda dhacda jiinka wabiga Seexoon, ee mara dalka Uzbekistan, waxaa ku dhashay wiil dunida ay xilligiisa u baahneyd, cabqarri ku suubbanaa waayihiisa iyo wadaad meel kaga soo jeestay dumiga culimma isku sheeggii waagaas shiicada u badnaa, kuwaas oo af duub iyo ashuun ku addimid nidaam ku dhisan ku hayay culimmada maanfurka u bislaa.

Abuu Naasser; Mohammad Bin Owzalig Bin Darkhaan ElFarabi, waa korey ka dhashay qoys heer dhexaad ah oo ku dhaqnaa dhulka maanta loo yaqaanno Uzbekistan.

Xisaabyahan, Fiisikis yaqaan, Filasuuf, xakiim, suugaanle gabya, cirbixiye, caalim fiqqiga ku wanaagsan, macallin luuqadaha ku caan ah iyo dhakhtar cilmiga dhibka ku habboon, intaas oo takhasus ayaa uu ku keli qof ahaa, taas oo muujineysa muhiimadda taariikheed ee uu u lahaa sooyaalka falsafadda islaamka.

Iyadoo lagu xishmeynayo laguna muunnad reebayo deegaankii uu kasoo jeeday ee Faraab ayaa loogu wanqalay magacaas {Elfarabi} taas oo taariikhda uu caan ku ahaa; magaaladan waxa ay dhacdaa sida aan soo sheegney jiinka webiga Siixoon ee mara waddanka Uzbekistan.
Markii uu da’ dhexe gaaray waxa ay reerkiisa u oggolaadeen in uu cilmi raadsi u jermaado, uuna safarro kala duwan u galo qeybo ka mid ah gobolka. Meelihii caanka ahaa ee uu degay waxaa kamid ah magaalada Dimishiq ee xarunta dalka Syria.

Luuqaddiisii koobaad oo ahayd luuqadda Atraakta (Turkiga) ayuu si aan caadi ahayn u bartay islamarkaana ula falgalay, markii uu safarkiisa cilmiga bilaabay waxaa suurta gal u noqotay in uu barto luuqadaha Carabiga, Gariigga iyo Beershiya, taas sahal ka dhigtay in uu si fudud u dhugto dhigaallada ku dhigan luuqadahaas.

Suhddiga Iyo Elfarabi

Waxaa lagu tuhmayay suufinnimo xad dhaaf ah iyo alle ka baqid dheeri ah marka loo eego waxyaabaha uu rumeysnaa.
Ma guursan cilmrigiisa suufinnimo iyo suhdi meel uu ka gaaray, waxaana uu middaas ka shabbahaa Imaam Nawawi oo isna dhallinyaranimo ku dhintay, islamarkaana aan weligiisa guursan.
Waxaa laga sheegaa in uu nolosha dhan ka doortay waxbarasho iyo suhdi alle u keli ah, dhammaan hantida uu heystay waxaa uu ku bixiyay dariiqii alle.

Kelinnimada ayuu weligii ka jeclaa nolosha inteeda buuqa iyo qararracda ah, Ibnu Khalakaan oo ka hadlayay Elfarabi ayuu ku yiri buuggiisa وفيات الاعيان ” Elfarabi, noloshiisa wuxuu ku qaatay kelinnimo, is la hadal ku dhisan cilmi, iyo akhris joogta ah, ku khalboodka beerraha tigaadka leh, doogga indha qabadka ah iyo xeebaha biya deyska ah, noloshii Abuu Nasser middaas ayaa farxad ceegaagtay!”

Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay oo fallanqeeya buugaagta Aristotle, taas ayaana keentay in loogu magac daro “Aristotle ka labaad”

Falsafadda ayuu aad ugu xeeldheeraaday, taas oo laftigeeda culimmada qaar ku qasabtay in ay si qar iska tuurnimo ah ay u gaaleysiiyaan xeyndhaabka islaamkana ka saaraan.

Kutubta uu qoray Abuu Naasser

كتاب الجمع بين رأي الحكيمين.
كتاب الخرافة الكبير.
كتاب الوحدة والواحد.
كتاب الجوهر.
كتاب الزمان.
كتاب المكان.
كتاب الخلاء.
كتاب العقل والمعقول.
كتاب التوطئة في المنطق.
رسالة النفس والعالم.
Sida ka muuqata buugagtaas Waxa ay isku jireen cilmiga qeybihiisa kala duwan, oo qofba cilmigaas badda ah meel buu ka gelayaa.

Ugu dambeyn dabshkii 950m ayaa dunida laga tarxiillay oo uu geeriyooday, ka dib markii uu da’ sare gaaray, waxaana lagu xasuusan doonaa cilmigiisii badda ahaa oo abidi sii ahaan doono inta ay nool yihiin culimmada maanfurka iyo mabda’ xorta ah aaminsan.

Tixraac:- http://mawdoo3.com/الفارابي

W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali

(Visited 153 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *