Xasuuqyada Dunida Ka Dhaca Iyo Xiriirka Diimaha kala Dhaxeeya?

In aan qalinka u qaato qoraalkan, waxaa qayb ka ahayd in aan akhriyay xilli gudcur habeen ah maqaal dheer oo ay qortay Drs Allen Kennedy oo ah aas aasaha ururka u ololeeya xuquuqda aadmiga ah ee magaciisu layiraahdo worldwithoutgenocide; qoraal dheer oo ka hadlayay arrrimaha xasuuqa adduunka ka dhaca iyo diimaha doorka ay ku leeyihiin oo aan u riyaaqay ayaa keentay in aan isku dayo in aan soo miinguuriyo qaar kamid ah xasuuqyadii waa waynaa ee adduunka ka dhacay 100-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ma hubo in ay tahay islaanta qof Mulxid ah (Atheist) hasa yeeshee ilaa xad waxaa wax maan gal ah in ay xiriir wada leeyihiin diimaha iyo xasuuqyada uu aadmigu isku geysto.

Haddaba si lamid ah maqaalkeeda waxa aan isku dayi doonaa in aan goob iskugu keeno dhawr xasuuq oo dunida oo idil  ay ka digagaxatay islamarkaana dhacay 100-kii sano ee lasoo dhaafay.

Xasuuqyada aan ka hadlayo ma ahan keliya kuwa ay geysteen dambiilayaal diimaha neceb oo banka sare ee illaah la’aanta dul heehaabaya, hasa yeeshee waxaa kujira kuwa ay isku geysteen laba koox diimeedyo iyo kuwa kale oo koox diimeed ay u geysatay dad kale.

Mid kasta oo kamid ah waxa aan u keeni doonaa tusaale; haddaba xasuuqyadii dhacay waxa aan u kala horreysiin doonaa sannadyadii ay dhaceen, se waxa ay ka bilaabanayaan sannadkii 1917-kii ilaa maanta oo aynu joogno 2017-ka.

1.Xasuuqii Armenia

Dhawr dabshid kahor inta aysan dummin Dawladdii silsilladda ahayd ee Cusmaaniyiinta, dadkii aan Turkiga ahayn ama aan heysan diinta islaamka dhib ayeey ku ahayd in ay ku noolaadaan gobolladii hoos imaanayay maamulkaas; inkastoo wakhtigii hore aysan dhibaato badan ku heyn dadka aan Muslimka ahayn, haddana xilligan waxaa caqabad ka dhigeysay in qof walba oo aan Muslim ahayn ama Turki ahayn in loo aaminsanaa laguna tuhunsanaa in uu yahay sirdoon ama qof jaasuus u ah dawladaha reer Galbeedka gaar ahaan Faransiiska iyo Ingiriiska oo xilligaas hunguri badan uu uga jiray in ay burburiyaan dawladdaas.

Qawmiyadihii Assyrians, Chaldeans iyo Greek-ga teel teelka ku ahaa Galbeedka boqortooyadii Cusmaaniyiinta ama maanta waddanka loo yaqaano Armenia oo caado ahaan dhaqankooda, diintooda iyo waxyabahooda qaddiimka ah aan marnaba ka tanaasulin ayaa la xasuuqay markii ay diideen in ay qaataan amarkii boqortooyada oo ahayd in ay islaamaan, waxaana taariikhdu werineysaa in inkabadan 1.5 Million oo qofood ayaa u ku dhintay xasuuqaas, waxaase asal u ah diinta oo labada dhinac ay ku kala duwanaayeen.

2. Xasuuqii Holocuast (1941-45) 

Inkastoo la sheego in rabitaan Hitler ay ahayd in la laayo qawmiyaddii laga tarrada badanaa ee Yahuudda kuwaas oo saameyn muuqata ku dhex lahaa dalka Jarmalka, haddana in ay ku raacaan dadkiisa islamarkaana ay oggolaadaan, waxaa u sahlay ayeey leeyihiin aqoonyahannada in ay kala diin duwanaayeen, ma jirin qof Jarmal ah oo kasoo horjeestay xasuuqaas, taasna waxaa sabab u ah in dadka Jarmalka oo 70%-kiiba ah Kirishtaan raacsan mad-habta Kathooliga, aadna u neceb qawmiyadda Yahudda oo berrigaas si aad ah ula degi jiray.

Ku dhawaad 6,000,000-qof oo Yahuudi ah ayaa kuwaxyeeloobay dhacdadaas, inkastoo dadka wax qora ay ku tilmaamaan in ay tahay ka badbadis iyo tirada oo laga been sheegay, haddana mar walba waxaa muhiim ah in aan arragno in diin ay lug ku leedahay dhacdadaas Banii Aadanka aan wax galabsan lagu xasuuqay. 

3.Xasuuqii Bangaladesh (1971)

Dawladda Bangaladesh ayaa iskeeda u go’aansatay in ay u noqoto dal gooni ah, balse Pakistaan ayaa aad uga carootay arrinkaas, taasna waxa ay sababtay in uu ka dhaco dagaal lagu xasuuqay maato iyo caruur Bangaledesh ah.

Waxaa xusid mudan in ciidanka Pakistan ay la socdeen Jabhaddii Jamacal Al-islaamiyah kuwaas oo si waalan dagaalkaas kaga qayb qaatay.

Dad lagu qiyaasay 200,000 iyo 400,000- ayaa lagu xasuuqay, kuwaas oo aan waxba galabsan, waxaana sabab u ahayd in ay jiraan is ursi diimeed oo labada qaybood ka dhaxeeyay iyo Jabhadda Jamaca Al-islamiyah oo ka faa’iideysatay sad bursigeedii ahaa in lala dagaalamo dadka aan diinta Islaamka heysanna ay kaga fulisateen dhacdadaas noolaha badan ay ku waxyeeloobeen.

4. Xasuuqii Cambodia (1975-79)

Golihii sare ee kacaankii ku dhisnaa shuuciyadda ee lagu magacaabi jiray Khramer Rouge ee ka dilaacay dalka Cambodia islamarkaana uu madaxda ka ahaa Pol Pot ayaa beegsaday Muslimka laga tirada badan yahay ee Cham kuwaas oo ah Shiico halkaas dagneyd muddo badan.

Tiro aan la hubin oo u dhaxeysa 1.5-3 Million oo qofood ayaa lagu dilay xasuuqan, kaas oo kusaleysnaa naceyb iyo cuqdad loo qaaday qawmiyaddaas laga tirada badan yahay ee Cham kuwaas oo mararkii dambe is goos goos ah kaga guurayay dhulkaas.

Ma jirto cid iswayddiisay sababta dadkaas loo dilay, balse sida muuqata xasuuqyada inta badan waxa ay ka dhashaan xummaan iyo kala arragti duwanaasho diimeed kaas oo marka dambe sabab u noqda in dad badan ay dunida ka huleellaan.

5. Xasuuqii Bosnia (1992-1995)

Hoggaamiyihii daacadda ahaa ee Yogaslavia mudane Tito ayaa dunida iskaga hijrooday, intii xukunkiisu uu jiray qawmiyadihii ku mideysanaa dalaladda Yogaslavia waxa ay ahaayeen kuwa kujiray teendho nabadeysan iyo maalmo wax wada qabsi ah, hasa yeeshee geeridiisa kaddib, waxaa dhacday in Muslimka laga tirada roonyahay ee kasoo jeeda qawmiyadda Bosniaka oo hadda sameysta dawladda Bosnia iyo qawmiyadda Croat-ka oo hadda ah dadka ku midoobay dalka Croatia oo iyagana ahaa Kirishtaan Kathoolig laga badan yahay ayaa go’aansaday in ay si iskooda ah u noqdaan dawlad gooni ah.

Warkaas waxaa dhag qalac usiin waayay Serbian-kii tirada badnaa ee ku xirnaa Kaniisadda Bari islamarkaana ahaa Asal-raacyo (Orthodex) wada mitid ah, taas oo keentay in uu dhaco xasuuqii caanka ahaa ee Srebrenica kaas oo ay kudhinteen dad badan oo caruur iyo haween u badan.

Tani waxa ay ahayd dhacdo xanuun badan oo kala duwanaasho diimeed ay sababtay, haddii ay isku diin ahaan lahaayeen ma dhacdeen in dad intaas la eg la iska dilo oo sidaas la isku ummul dooxo.

6. Xasuuqii Rwanda (1994)

Waxa ay ahayd dhacdo Banii Aadamku weligiis uu ka sheekeyn doono, markii ay is laayeen labada qabiil ee Hutu iyo Tutsi kuwaas oo Deegaan ahaan wada dhashay kuna wada noolaa dalka Rwanda ee qaaradda Afrika.

Dad lagu qiyaaso 500,000 (Shan boqol oo Kun) Ilaa 1 Million oo qofood ayaa ku naf baxay xasuuqaas, balse waxa aad iswayddiineysaa halka ay iskala xiriiraan xasuuqan iyo diimaha, maadaama ay xukun iyo wada dagnaasho la’aan ay isku heysteen labadaas qabiil.

Waxaana maqaal lagu qoray majaladda The Guardian ee dalka Ingiriiska sannadkii 2014-kii, lagu sheegay in Kaniisadda Roma iyo dhamman dadka ku abtirsada Mad-habta Kathooliga in ay raali gelin ka bixinayaan doorkii ay ku lahaayeen xasuuqii Rwanda.

Waxa aad iswayddiineysaa halka ay sirta ka qurrunsan tahay, Wenceslas Munyeshyaka waa wadaad u dhashay dalka Rwanda, waxaa la soo taagay maxkamad kutaalla dalka Faransiiska, kaddib markii lagu eedeeyay in uu ahaa mid kamid ah dadkii caawinayay qawmiyadda Hutu-ga in ay dadka ku dilaan Kaniisadaha iyo goobaha cibaadada, wuxuuna kamid ahaa dadkii ugu muuqa sareeyay dhanka qawmiyadda uu dhalasho ahaan kasoo jeeday, isagoona dadka qabiilkiisa u beenayay dhiigga kuwa kale (Tutsiga) wuxuuna adeegsanayay magac diimeed iyo fatwooyin dad badan ay fagaaro dhiig baxeen.

Haddii aysan jiri lahayn saameyn iyo fara gelin dhanka diimaha ka imaaneysay, waxaa hubanti ah inaysan sidaas u badnaateen dhibaatada ka dhacday dalka Rwanda.

7. Xasuuqa Burma (2017)

Hillinnada waa wayn ee wararka iskugu gudbiya caalamka ayaa baahinayay muuqaallo damiirka fayoow ku adag in uu isha u dhammeeyo, waxaana ay ahaayeen masaakiin u dhashay kana soo jeeda qawmiyadda Rhingaha oo looga tirada badan yahay dalka Myanmar Ama Burma.

Dad u badan caruur iyo dumar ayaa lagu xasuuqayaa halkaas, mana jirto cid ka hadasha, hasa yeeshee marka la taabto ama la waxyeeleeyo dhawr qofood oo kasoo jeeda qawmiyadaha laga tirada badan yahay ee masiixiyiinta ah kuwaas oo ku nool dalalka Muslimka ah waxaa lagu tilmaamaa xasuuq iyo Banii Aadamnimada oo meel looga dhacay.

Yadizis-ka waa qawmiyad Masiixiyiin asal raac ah, kuwaas oo Ciraaq iyo Syria ku dhex firdhisan hasa yeeshee waxaa lagu sheegaa in ay Daacish beegsato kaddibna caalamka warbaahinta heysta waxaa uu noo tusaa in ay tahay dhacdo xasuuq ah oo banii Aadamnimada kasoo horjeedda.

Marka ay halkaas mareyso waxa aan kusoo gaba gabeynayaa sheekadeyda hal tuduc oo kamid ah beydad gabay oo dheer kaas oo uu tiriyay Abwaanka caanka ah ee Adiib Isxaq oo ah abwaan Carbeed, waxaana uu leeyahay hadal xikmaddiisu ay sidan tahay  :قتل امرئٍ في غابةٍ ***جريمةٌ لا تُغتَفر. وقتل شعبٍ آمنٍ“مسأَلةٌ فيها نظر.

Hal qof oo lagu dilo keyn waxa ay kaaga dhigayaan Dambi Banii Adamnimada laga galay oo aan la cafiyi karin, halka Shacab dhan oo la xasuuqayna kaaga dhigayaan arrin u baahan in la baaro oo sheedda laga fiirsado” 

 

Waxaa diyaariyay:- Cabdiwahaab Axmed Cali  (Elfarabi)

E-mail:- C.wahaabyare@gmail.com

Tixraacyo:-

http://worldwithoutgenocide.org/

https://www.theguardian.com/commentisfree/2014/apr/08/catholic-church-apologise-failure-rwanda-genocide-vatican

https://en.wikipedia.org/wiki/Ellen_J._Kennedy

http://www.jstor.org/stable/j.ctt9qcq8t

http://worldwithoutgenocide.org/resources/articles/religion-and-genocide

http://www.bbc.com/news/world-asia-38168917

https://en.wikipedia.org/wiki/2016%E2%80%9317_Rohingya_persecution_in_Myanmar

https://en.wikipedia.org/wiki/Bosnian_genocide

https://en.wikipedia.org/wiki/Assyrian_genocide

https://en.wikipedia.org/wiki/Armenian_Genocide

https://en.wikipedia.org/wiki/List_of_genocides_by_death_toll

http://www.rantnow.com/2014/12/06/15-worst-genocides-in-history/#slide_2

http://www.genocide1915.org/fragorochsvar_bakgrund.html

https://en.wikipedia.org/wiki/Cambodian_genocide

http://www.aljazeera.com/news/2015/11/question-genocide-cambodia-muslims-151110072431950.html

https://en.wikipedia.org/wiki/Cambodian_genocide.

(Visited 56 times, 1 visits today)

QORMOOYIN LA MUUNNAD AH

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *